Sool: Maamulka Gobolka Sool Oo Karin Dabaylweyn Ka Furay Goobo Caafimaad iyo Bulshada oo soo Dhoweysay

0
480

Guul & farxad ayay noo tahay maanta inaan ka furno Karin-dabaylweyn xarun lagu daryeel caafimaadka hooyada & dhallaanka (MCH) oo ay maal-gelisay haya’adda NRC. Mashruucan ayaa qayb ka ahaa barnaamijyada horumarineed ee ka socda guud ahaan gobolka Sool .

Waxaana maamulka xaruntan asaasiga u ah nolsha bulshada ee Rabbi mahadiis maanta la hirgelliyey aanu ka rajaynnaynaa kulana soo dardaaranay inay bulshada ugu adegaan si hufan oo xilkasnnimo leh.

Safarka & xadhig ka jarista ayaa waxaa igu weheliyey Duqa Laascaanood Cabdicasiis Xuseen maxamed , isku duwaha wasaaradda horumarinta caafimmaadka gobolka Sool Maxamuud Khaliif Midhaaf & taliyaha saldhiga lixaad ee ciidammada qaranka Somaliland Faarax Haashim .

Nabad horumar baaxadleh oo gobolka sool ku talabsado. In.a

Guddoomiyaha gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here