Sawiro- Maamulka Gobolka Sool Oo Laascaanood Ka Furay Tartan Ciyaareed u dhexeeya 16 Kooxood oo Lagaga Mashquulayo Qabyaalada

0
403

 

Waa guul iyo farxad ii ah inaan maanta daahfuray tartanka kooxaha heerka 1-aad ee gobolka Sool . Tartankan oo ay ka qayb-galayaan 16 kooxood oo kubadda cagta ah waxaana dhalinyarada ka qayb galaysaa ay gaadhaysa ilaa 550 si ay uga mashquulaan qabyaalladda mukhadraadka iyo tahriibta .

Dhan kele tartammada noocana waxay qayb weyn ka qataan is dhex galka iyo nabadda waana bogaadinaya wasaaaradda horumarinta cayaaraha Somaliland oo soo qabanqaabisay .

Tartankan oo noqonnaya kii ugu miisaanka weynaa ee loo qabto dhallinta cayaaraha gobolka ayaa qayb ka ah siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan horumarinta cayaaraha iyo dhallinta Somaliland .

Nabad horumar baaxadleh oo gobolka sool ku talaansado in.a

Guddoomiyaha gobolka sool.
Abdiqani maxamuud jiidhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here