Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha Oo Furay Tababar Lagu Baranayo Nashqadaynta Biyaha Dalka Iyo Faaiidada Ay Qaranka U leedahay

0
316

Hargeysa(Somalilandrise) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha mudane Maxamed Yuusuf Ismaciil ayaa maanta Injineerada wasaaradda u furay tabobar hab casriya lagu siinayo. Koorsadan oo lagu baranayey farsamada iyo nashqadaynta ingineerinka biyaha. Waxa lagu barranayey software lagu magacaabo GeoHECRAS kaas oo loo isticmaalo daraasayanta qulqulka biyahaa oogada, samaynta nashqadaha iyo khariiradaha.

Tabobarkan oo mudo u socon doona dhammaan Injineerada wasaaradda, ayaa ha mid uu maamulku ugu talo galay in kor loogu qaado aqoonta iyo tayda Injineerada dalka si ay hababka casriga u la socdaan. Koorsooyinka oo noqon doona mid ayaa wasaaraddu marwalaba oo aqoonta cusub soo korodho la xoojin doono.

Dhanka ka le waxa halkaa ku la dardarmay Agaasimaha guud ee wasaaradda oo hadal kooban iyo dhiirigalin iyo waano ahba u jeediyey dhammaan Injineeradii wasaaradda isagoo u sheegay in looga baahanyahy in ay wasaaraddu cudada ugu wey ee dhaqaajin kartaa ay I tahy shaqaalaha tamartooda iyo xirfadooda. Wax aanu ku bogaadiyey in ay dadaalka halkaa ka sii wadaan.

Xafiiska warbaahinta wasaaradda,
Hargeisa,Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here