Wasiirka maaliyada Oo Hor Istaagay Isku Shaandhayn Agaasimaha Guud ku Samaynayay Maamulka Kastamka Berbera Iyo Sababta uu Hoosta u gashaday.

0
375

 

 

Berbera(Somalilandrise) Wararka Soo gaadhaya Shabakada Saylactoday Ayaa xaqiijinaya in Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad cali Shire uu Hor Istaagay In la Bedelo amamulaha kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro Kaasi oo Ka mid ahaa Liiska Agaasime Waaxeedyo iyo maamulayaal Kastam oo Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Maxamed cabdi Gurxan Ku Bedelayay .

Dhamaanba Waxaa Xilkaas laga Wareejiyay masuuliyiin Ay ka mid Yihiin Agaasime Waaxeedyo Iyo maamulo Kastam Waxana la loodin Waayay Maamulaha kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro oo Hoosta Ka galay Wasiirka Maaliyada oo Ay isku Jifo Hoose yihiin

Arintani Ayaa Waxaa Ay ka cadhaysiisay Agaasimaha guud Waxaana Taasi sababtay in Shaqadii Maamulka kastamka Berbera Ay Noqotay mid Fadhiisatay kadib markii maamule Cirro Hawlmaalmeedkii uu Qaban Lahaa uu Iskaga soo Riixo Dhinaca Agaasime Gurxan Isagoo ka Lib haysta Wasiir Sacad Cali Shire

Cabdiraxmaan Ayaa sidoo kale Waxaa iska Indha Tiraa Inuu Hoos tago Jaranjarada maamul ee Wasaarada maaliyada isagoo Dhinac ka Dhaafa Agaasimaha Waaxda Kastamada Dalka oo Lagu Magcaabo Wayrax oo Kasoo Jeeda Beesha Samaroon Taasina Waxay Keentay inuu iska eego isha Agaasime Gurxan

 

SAWIRKANI WAA MAAMULIHII HORE EE KASTAMKA BERBERA MAXAMED CABDI GURXAN AHNA AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA MAALIYADA SOMALILAND

Xili Ay berbera tahay isha koowaad ee Ilaha Dhaqaale Uga Soo Xaroodo Qaranka isla Markaana Aan Masuuliyiinta Sarsare ee Wasaarada maaliyada Somaliland Kastamkaasi U Wakiilan Cidii ku Haboonayd ee Qaranka ugu Adeegi Lahayd Si Daacad Ah isla Markaana Aqoon u leh Kastamada

Hadaba Waxaa isweydiin Mudan Sababta Wasiir Sacad Cali Shire Ku Doortay Maamulkan Aan maareyn Karin Shaqadii loo igmaday isla Markaana Qaab Qabiil Wasiirku Dhabta ugu haysto Maamulkan Habacsan ee fadhiisiyay Shaqadii Kastamka Berbera

Arimahan Dhamaantood Waxay keeneen In Shaqadii Kastamku Istaagto isla Markaana Ganacsatadii Wax ka Cashuuran Jiray kastamku Ay Galaan Stroge (Kayd) Xili ay usoo Yaacaan In Arintaasi uu Soo Xaliyo Agaasimaha Guud ee wasaarada maaliyadu kadib Markii Cabdiraxmaan Cirro iyo Maamulka Kastamku Xalin kari Waayeen Adeegii Loo Baahnaa

WARQADANI WAA ISKU SHAANDHAYNTII WASIIR SACAD CALI SHIRE KA REEBAY MAAMULAHA KASTAMKA BERBERA CABDIRAXMAAN CIRRO EE QABYAALADU HADHAYSAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here