Laba Xubnood Oo Wakiil Ka Ah Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Oo La Degay Shaqadii Kastamka Berbera Iyo Ganacsatadii Oo Ka cabanaya Musuqa Meesha Ka Aloosan.

0
456

Berbera(Somalilandrise) Xubno ka Lib haysta Wasiirka Wasaarada maaliyada sacad cali Shire Iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi ahaana maamulihii hore ee Kastamka berbera Ayaa Isku Cuno duubay Shaqadii Qaranka ee kastamkaasi Magaalada Berbera.

Cabdiraxmaan ismaaciil Xuseen oo ku magac Dheer Cirro Ahna maamulaha Kastamka berbera Ayaa Mudooyinkii u danbeeyey Wuxuu Faraha kula jiray Musuq Baahsan oo Kastamka ka soconaya Kaasi oo Salka ku Haya Alaabo hore looga Soo Dejin Jiray Madaarka Hargaysa oo uu halkaasi si Qarsoodi ah ugu Wareejiyay

Cabdiraxmaan Cirro Ayaa Shaqaale Isaga u Dhego Nugul Xafiiska kastamka ka dhex Samaystay Isagoo Doonaya Inuu Qaado Talaabadii gurxan halka uu Wakiil ku xigeena ka dhigtay Mid lagu Magcaabo Maxamed Ismaaciil oo Ay ilmaadeer Yihiin Agaasime Gurxan

Cirro Ayaa Siduu Doono ka yeela Xafiiska shaqada Ee Waqti Xaadirkan taasi oo Lagu Sababeeyey inuu Awood ka haysto Sacad cali Shire oo Lagu Yaqaano inuu Musuqa iyo Cadaalada Darada Neceb Yahay Balse ay Xubintan Lacag Cunista Ku Firfircoon Isku Qabiil noqdeen

Maamulaha Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro ayaa si sharci darro ah Gacan-saar ula yeeshay Dadka soo dajiya Qalabka Electronics oo ah qalabka ugu qaalisan ee Cashuurta badani ugu soo hoyato Wasaarada Maaliyada.

Maamulaha ayaa marka qalabkani soo dagayo la la socod-siiyaa ka dibna waxaa qalabkaasi Electronics lagu soo Guraa Shandad halka qaybo ka midana si tooosa iyo si dadbanba loo soo dhaafiyo Kastamka Cashuuraha Berbera Iyadoo Lagu Soo Dhex Qariyo Kontinaro Timiri ku jirto Ama Saabuun Halka Mararka Qaarna Dharka Duruucda ah Qayb ka mid ah lagu soo Qariyo, Sidaasi waxa Shabakada Wararka Saylactoday u Xaqiijiyay Goob jooge ka tirsan Ganacsatada Shaqada loo qabanayo.

Ganaaxa ayuu ka Joojiyaa qofkasta oo ay isku beel yihiin halkaa uusidoo kale cidkasta oo aanay isku beel ahayna uu ganaaxa kaqaado kasoo laba jibaaran

Qalabkani Electaronics-ka ah Ayaa hore waxaa looga soo Dejin Jiray madaarka magaalada Hargaysa Balse Arintaasi ayaa Waxaa Wareejiyay Cabdiraxmaan Cirro oo u Sheegay Ganacsatada in Cashuur ka yar tan madaarka ay kagala Soo Degi Karaan Kastamka Magaalada Berbera oo uu maamule uga Dhigay Wasiir Sacad Cali Shire.

Kaasi oo sheegay haddiiba la yidhaado Maamulaha Kastamka berbera Qalabkani si uu u baxo Sharciga waafaji oo hala Cashuuro waxuu ku jawaabayaa waad xidhan tahay iyo ma Kastamka ayaa ila haysataa,iyadoo uu ku hanjabo in bedelkii la joojiyay isla markaana aanay cidi waxba kaqaadi dooninwaa sida uu hawl-wadeenkani Saylactoday u xaqiijiyaye.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaarada maaliyada soomaaliland ay ka warartay in uu rumoobo Odoroska miisaaniyada 2019.

Taasi oo uu shaki badani ka galay in ay soo bixi waydo, Xaddiga Lacagta ay Qoondaysatay waxaana wasaaradu madaxwayne Muuse Biixi la socod-siisay in la waayay lacagtii Odoraska Miisaaniyadii 2019 loo qoondeeyay,

Geesta kale Masuuliyiin ka tirsan Kastamka berbera ayaa wararku sheegayaan in ay Maamulaha Kastamka berbera cabdiraxmaan Cirro ay ku Shuraako yihiin Arinkani Musuqmaasuq Kaasi oo uu ugu Horeeyo Ku xigeenka Kastamka Maxamed Ismaaciil oo Xafiiska uga wakiil ah Agaasime Gurxan oo ay isku Qabiil kazoo Wada jeedaan

Dhinaca kale Wasaarada Maaliyada ayaa Kastam Wayn ku leh Berbera lamana Xaqiijin karo in ay Musuq-maasuqan la Og yahay Maamulka Kastamka Berbera iyo in kale.

Shabakada Saylactoday ayaa dabagal iyo Baadhis ku haysa Waax-yaha kala duwan ee Kastamka Magaalada Berbera waxaanan dhawaan idiin soo ban-dhigi doontaa khaladaad iyo wax is daba marinta ka jira Kastamkaasi iyo laamahiisa,

Lasoco Qaybta labaad Habeen Danbe

 

SOO RAAC SAYLACTODAY

EMAIL-Saylactoday@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here