Prof: Cali Khaliif Galaydh oo Sawiray Saaxiibtinnimada Isaga iyo Faysal Cali Waraabe!

0
365

Hargeysa(Somalilandrise):- Hoggaamiyaha Kooxdii Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa Sawiray, isla markaana faahfaahin kooban ka bixiyey waxay salka ku hayso amma ay tahay Saaxiibtinnimada ka dhaxaysa isaga iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Prof: Galaydh, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeeyey inay ka gaabisay hirgelinta Heshiisyadii ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo, Waxa uu intaas ku daray Cali Khaliif oo uu sheegay inuu daacad u yahay Somalilandnimada oo aanay jirin cid ka sheegan karta Somaliland, balse la kala duwan yahay.

Waxa uu Cali Khaliif sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey kulan lagaga doodayey siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland oo uu maanta Hargeysa kaga qaybgalay, waxaanan warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here