Ciidankii Galay Caare oo Sahay Ka dhigtay Geel Dhalay oo Buurmadoow u Daaqaya Karamaan

0
923

Ceelafweyn (Somalilandrise) Wararka naga soo gaadhaya deegaanka ceelafweyn ayaa xaqiijinaya in geel Dhalay oo daaqaya duleedka Karamaan laga qashay Tirda 13 Halaad .

Kadib dagaal ciidanka qaranka Somaliland iyo kuwa Falaagada Taliyihii Goostay ee Caare ku dhex maray gobolkaasi ayaa Sababay in ciidanku Geelaas ka Haleelaan Dhowr iyo orban halaad maadaama Boqor buurmadoow Geela leeyahay iska Markaana uu kasoo horjeedo nabad waarta oo laga dhex dhaliyo beelaha Sacadyoonis iyo biciide.

Tani ayaa ah waajib saaran ciidanka qaranka in lala wareego hantida cidkasta oo nabada kasoo horjeeda.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in la gubbay booyad biyo dhaamis wada oo uu leeyahay boqor Buurmadow .

Shalay ayay ahayd markii Caare soo weeraray ciidanka qaranka Kadibna laga qabtay 14 maxbuus oo Go’case ah isagoo ka aargudanaaya 14 nin oo sacadyoonis ah oo beesha biciide kaga dishay duleedka ceelafweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here