Wararkii udambeeyey ee xaaladda waddanka suudaan iyo hawlgallo la fuliyey

0
453

Ururka ugu weyn mucaaradka waddanka Suudaan ayaa waxa uu sheegayaa in ciidammada ammaanka ay galeen xafiiskooda oo ay joojiyeen shir jaraa’id ka hor isu soo baxa ballaaran ee ay qorsheynayeen.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay gaafwareegayeen qeyba ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Khartuum, ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay in la qabto maanta oo Axad ah.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa ay ku baaqeen in dibadbaxyaaal hal milyan gaaraya ay Axadda isu soo baxaan si milateriga loogu cadaadiyo inay xukunka dadka shacabka ah ku wareejiyaan.

Hasayeeshee ma ay jiraan warar sheegaya ilaa iyo haatan in ay magaalada Khartuum isugu soo baxeen dibadbayaal ballaaran.

Xigasho bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here