Wararkii u dambeeyey dagaallo weli ka socda hiiraan iyo khasaaraha ka dhashay

0
526

Wararka ka imanaya deegaanno dhaca xadka labada gobol Hiiraan iyo Galguduud degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wali ay halkaa ka soconayaan dagaallo culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed oo ka soo kala jeeda labada gobol

Dagaalka oo maalintii shalay dib u qarxay ayaa lagu soo waramayaa in dhicyada iska soo horjeeda wali isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkani ka dhashay.

Dad ku sugan degmooyinka Maxaas iyo Guri-ceel oo ka kala tirsan labada gobol ayaa warbaahinta u sheegay in la gaarsiiyay dad ku soo dhaawacmay dagaalka.

Marar badan oo hore waxaa guuldareystay isku dayo la doonayay in colaada labada dhinac xal loogu helo oo ay wadeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka labada dhinac ee dagaalamaya.

Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeediyo beelaha iska soo horjeeda oo laga dalbaday in ay xabadda joojiyaan waxa leysku hayana lagu dhameeyo wada hadal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here