Milateriga Sudan Oo Qirtay Amarkii Lagu Dilay Boqolaal Qof

0
71

Gollaha Milateriga Suudaan ayaa markii u horraysay qirtay inuu qalad uu ahaa hawlgalkii ay ciidamada ku dileen in ka badan 100 qof 3dii bishan June.

Afhyeen u hadlay Milateriga Suudaan Shams al-Din Kabashi waxa uu sheegay in gollaha milateriga ay go’aansadeen in xoog lagu kala eryo banaanbaxayaasha

Ururada Rayidka ah iyo xisbiyada mucaaradka ewadanka Sudan ayaa joojiyay ololihii shaqo joojin ay wadeen muddo sadexdii maalmood kadib markii is-afgarad laga gaaray sharuudihii ay hordhigeen Golaha Militariga dalka Sudan.

Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka hortageen isku day afgembi, isagoo sheegay inay xireen saraakiil ka tirsan milateriga Suudaan.

Leave a Reply