Xukuumadda Oo Xadhiga Kaga Jartay Huteel Casri Ah Oo Haweenay Muwaadinad Ahi Maal-galisay 

0
424

Xukuumadda Oo Xadhiga Kaga Jartay Huteel Casri Ah Oo Haweenay Muwaadinad Ahi Maal-galisay
Hagrysa() Xukuumadda Somaliland Ayaa Xadhiga Kaga Jartay Xaafadda Maxamed Mooge Ee Koonfurta Hargeysa Huteel Casri Ah Oo Lagu Magac Daray Nasiye Restaurant & Cafeteria Oo Ay Maal-galisay Mawo Xabiiba Cabdi Nuur Oo Muwaadinad Reer Somaliland Ah.

Munaasibad Si Weyn Loo Soo Qaban-qaabiyay Kana Soo Qeyb-galeen Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudane Cabdiqaadir Sh Muxumed (Dhaga-weyne) , Agaasimaha Wasaarada Horumarinta Jidadka Mudane Cumar Cabdilaahi Aaadan (Cumar Sayid ), Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee UCID Mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi Iyo Mulkiilaha Huteelka Cusub Ee Loo Wanqaley,

Dhinaca Kale Xubno Ka Mid Ah Haldoorka,Culimadda,Aqoonyahanka Ku Dhaqan Degmadaas Ayaa Loo Sameeyay Afur Iyo Casho Loogu Wanqalayo Huteelkaas.

Iyada Oo Ugu Danbaytii Madaxdii Iyo Masuuliyiintii Ka Soo Qeyb-galey Munaasibaad Ay Weedho Hambalyo Iyo Duco Ah Halkaa Ugu Jeediyeen Haweenayda Huteelkaas Maal-galisay.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here