Waa Kuma Xasan Maxamed Cali Gaafadhi ? Wasiirka Wasaaradaha Is Barkan

0
769

Waa Kuma Xasan Maxamed Cali Gaafadhi ?

(Wasiir gaafaadhi Jawaabtiisu Ma Difaac Bay ahayd Mise Darjiidh)

 

Hargaysa(Somalilandrise)  Xasan maxamed Cali Gaafaadhi Gudoomiyihii Ururkii RAYS ee Hadhka cad Taageerayaashiisii kaga Dhaqaaqay Hargaysa isla Markaana Ka Doorbiday Afhayeenimada Gudoomiye kale oo Xisbi

Sida aynu la Wada socono waxaa 11 Bishan May ee aynu ku jirno Shirjaraaid Qabtay Mid ka mid ah Wasiirada Loo Dhiibay Wasaaradaha ugu Miisaanka Culus Qaranka kaasi oo lagu Magcaabo Xasan Maxamed Cali oo ku Magac Dheer   Gaafaadhi oo ka Daba tegay Hadal uu Maalmo ka Hor Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Aadan buurmadoow Uga hadlay Xaalada laba Sarkaal oo Lagu Dilay ceelafweyn oo si Waaqica Sal ku leh uga Xogwaramay Dilka Loo gaystay Labadaasi Sarkaal

Xasan gaafaadhi Wuxuu Ku Sheegay hadalkiisa inaanay jirin haba yaraatee  wax la mid ah Dhacdadii Lagu Dilay laba Sarkaal oo Xukumayay Xabsiyada garadag Xili uu Wasiirku La Anbaday meeshana ka Saaray Hadalka Boqorka oo uu Dhinac kale u Duway.

Boqor buurmadoow ayaa guud Ahaan wuxuu ka hadlay inay Dhacdooyinka lagu dilay Saraakiishu hore usoo Martay qaranka Waxaana Xusid Mudan Dilalka loo gaystay Laba Sarkaal oo Lagu Dilay Qorulugud,Askari Lagu Khaarajiyay Deegaanka Arabsiyo,Taliye Casayr oo isna Lagu dilay berbera iyoTaliye Saldhig oo lagu Toogtay Abdaal kuwaasi oo ahaa Dhacdooyin Aan indhaha laga lalin Karin oo Dalka looga soo Joogay

Bulshada ayaa Siyaabo kala Duwan uga falceliyay Hadalka Wasiir Gaafaadhi Waxaana ay Ku Tilmaameen Inay Masuulkan Nusqaan ku tahay inuu Ka Telefishanka Ka Weeraro Boqorkiisa isagoo Mudane Gaafaadhi Soo qaban kari waayay kadib markii Nabadu Xidhantay Ragii Dilalka gaystay taasi oo bedelkeeda Boqor buurmadoow  ka guntaday isla Markaana Gacanta kusoo dhigay xukuumadana u dhiibay

Dadka Qaar ayaa Sidookale Qaba in Hadalkan Wasiir Gaafaadhi Weerar Qaawan ku Yahay Beesha Habarjeclo isla markaana uu Kala fogaynayo Xukuumada Iyo Xidhiidhka Qotoda Dheer ee u dhexeeya Beesha  Kadibna uu Masuulkani Cidlo Haabhaabtay.

Xasan gaafaadhi wuxuu Weerar ku Qaaday ganacsato Aan Qaranka Dheef Mooyee Dhibaato u Gaysan isagoo marar badan ku celceliyay In Dhibka Cida Wadaa Ay ka mid YihiinSiyaasiyiin loo kala Saari Waayay Kulmiye Iyo Ky yihiin Xisbiga Waddani Markana Wuu Lumay.

Markale Wasiirka oo Xunbo Cuskanaya Wuxuu isku Qaaday Prof Axmed ismaaciil Samatar oo la Wada Ogaa Halka uu ka taagnaa guushii Xisbiga Kulmiye Mar labaad ku hantay Quluubta Shacabka ee Kursiga lagu Saaray muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Waqti Xaadirkan.

Wasiirku wuxuu ku tiraabay inaan fitanka Laga Qayb Qaadan halka ay Isaga kazoo yeedhay Khudbadii ugu Naxliga Badnayd mudadii uu Xilka hayay Tiiyoo Aan la taaban Karin Wuxuu kusoo Kordhiyay Laba Wasaaradood oo Miisaan u leh Qaranka oo uu Madaxweynaha Somaliland Isugu Qoofalay Xili uu Markaas Aqoon Iyo Waayo Aragnimo Ku tuhmaayay Balse Waxay Shacabku Isweydiinayaan Wasiirku Maalintaas ma Soomaa Horta Ileen Waa Ramadaane.

Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi) wuxuu Noqday Wasiir Waagu ku Beryay kadib markii uu Waayay Gacantana Ku Qaban Waayay Beeshiisa,Labadii Wasaaradood ee La Isku Barkiyay iyo Xilkiisa Wasiirnimo Oo Daleel banana yaala

Waxaa gebi Ahaanba Xidhmay mashaariicdii horumarineed ee kaluumaysiga Isla markaana loogu Talogalay Wasaarada kaluumaysiga ee Dadka Danyarta ah ee Ku Dhaqan Xeebaha Somaliland iyo Xuduudaha dalka Kadib markii uu yagleeshay Shirkado  Kaluumaysi kuwaasi oo uu Misana u Duway Mashaariicdii oo uu Ilaa Hada Barkan Yahay.

Waxaa Taas dheer inuu Qaranka Dhaafsaday Ciyaal yaryar Iyo Xubno gurigiisa U Hoyda oo uu Xilal ku Dhoobay Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Gobolka sanaag(   )  oo uu Dhalay Inaadeerkii,Xidhiidhiyaha maxjarada Gobolka Saaxil Oo Isna uu Inaadeerkii Dhalay,Madaxa Talaalada ee Gobolka Sanaag oo uu Adeer u Yahay Isaga iyo Agaasimaha Waaxda maamulka Iyo Lacagta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga .

Shacabku Waxay Leeyihiih Xasan gaafaadhi malaha Karti,Hufnaan iyo Dulqaad uu ku Sii Xejisan karo Booska Wasiirnimo Halka madaxweynahana Qarankana looga Fadhiyo Kala Doorashada Wasaarada Xidhmay iyo Wasiir Gaafaadhi oo Waqti Xaadirkan Dabayluhu Sitaan Taasina Waxay Noqon Kartaa badbaado Qaran

 

Lasoco Qaybta Labaad…………

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here