Madaxtooyada Soomaaliya oo Ka Hadashay Agaasime Taageero U Muujiyay Israa’iil oo Shaqada Laga Eryay

0
1132

Muqdisho (Somaliland Rise)– Dowladda Soomaaliya ayaa shaqadii Agaasimaha xafiiska Wasiirka Arrimaha dibada ka eriday Cabdulaahi Axmed Dool oo sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya xidhiidh la yeelato Israa’iil.

Agaasimaha shaqada laga eryay ayaa ku tilmaamay xidhiidh dhaxmara Soomaaliya Israa’iil aanu cidna wax u dhimeynin islamarkaana muhiim tahay xidhiiddh dhaxmara labada dowladood Soomaaliya iyo Israa’iil.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanu la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeedhtay Safiirkii Soomaaliya ee Geneva kaddib markii ay ka aamustay qaraar caalami ah oo Yahuuda looga soo horjeeday.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay shaqada ka saarto mas’uul lagu taageero u muujiyay Israa’iil kuna dhiiri-galiyay dowladda Soomaaliya in ay xidhidh dhaw la yeelato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here