WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo wefti uu hogaaminayo Oo Hargeya ku Soo Waajahan

0
1246

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa la sheegay inay ku soo waajahan yihiin magaaladda Hargeya ee Caasimadda Somaliland, waxaana lagu oo dhaweyeey magaaladda tog-wajaale ee xadka labada waddan ay wadaagaan oo ay hadda ku sugan yihiin masuuliyiin somaliland ka tirsan oo soo dhaweynaya.

Lama oga ujeedada socdaal madaxweyne Mustafe Maxamuud Cagjar, balse wararka naga soo gaadhaya magaaladda Wajaale , ayaa sheega in uu soo gaadhay magaaladdaasi, isla markaana la filayo inuu usoo dhaafi doono loona soo gelbin doono dhinaca hargeysa.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar, ayaa la filayaa inuu kulamo la yeelan doono madaxda somaliland inta uu ku sugan yahay somaliland, iyada oo ay hore wajaale ugu kulmeen madaxweyne musfate iyo madaxweyne muuse biixi.

 

la soco wixii ka soo kordha warkaasi…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here