DEG DEG kulan Xaasaasiya Oo Addis-ababa Ku Dhaxmaray Golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo CSA Ee Wakaaladda Tirakoobka

0
1397

 

Sidii aan horay idiinku sheegnay warkayagii hore waxa dowlada deegaanka soomalidu cabasho ka gudbisay sida loo diyaariyay qorshaha tirakoobka deegaanka.

Hadaba golaha wasiirada deegaanka oo ku sugan magalada addis ababa ee xarunta dalka ayaa hotelka ay ka dagan yihiin uugu yeedhay masuuliyiinta sare ee wakalada tirakoobka dalka si ay wax uuga waydiiyaan.Waxana kasoo qaybgalay kulankan maareeyaha wakalada tirakoobka dalka mudane Biratu Yigezu iyo agaasimaha guud ee waaxda diyaarinta khariirada tirakoobka dalka mudane Sisay Guta iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wakalada tirakoobka dalka si looga wada hadlo cabashooyinka jira.

Ugu horayntiina markii masuuliyiinta wakaalada tirakoobka dalku waxay soo jeediyeen warbixinta khusaysa deegaanka soomaalida ayaa waxa suaalo kala duwan waydiiyay xubnaha golaha wasiirada dowlada deegaanka soomalida waxana suaalaha kamid ahaa sida tan.

1. 7000 kun ee tirakoobayaal kuma filna deegaankayaga marka loo eego tirada dadka,guryaha,qabaleeyada,qabalee hoosaadyada,baaxada deegaanka,iyo masaafada uu ku fadhiyo deegaankayagu wuuna ka balaadhan yahay qoondadaasi ee maxad ku salayseen noocadeeya?

2. in aad nasiisaan coordinates(goobaha) iyo khariirada(maps) ay ka duuleen marki ay qoondaynayeen dadka tirakoobka ka samaynaya deegaankayaga?

3.in aad nasiisaan qabaleeyada iyo qabale hoosaadyada aad uqaadateen goobaha muranku ka jiro (special areas) ee udhaxeeya deegaankayaga, canfarta,iyo oromada si aan u ogaano kuwa ku jira iyo kuwa aan ku jirin?

4.in aad noo sheegtaan sabobaha 2da qabalee ee mooyaale ee aan horayMugu jirin goobaha lagu muransan maxad uugu darteen hada goobaha lagu muransan yahay maxayse arintaasi ku dhacday?

5.in aad noo cadaysan qabaleeyada degmada afdam sida candhufo,cadaytu,iyo kuwa kale meesha laraaciyay?

6.in jawaab saxa aad naga siisaan gobolka nogob ee laga dhigay tirada dadka tirakoobka samaynaya 164 qof iyadoo la Og yahay dhulka uu ku fadhiyo baaxadiisu intay leeg tahay iyo waliba sida uu ugu liito xaga isku xidhka jidadka marka loo eego deegaanka intiisa kale?

7.in jawaab saxa aad naga sii Saan sababta 4 xubnood loogu qoondeeyey inay soo tirakooban degmada gablalu oo tirada qabaleeyada iyo baaxada dhulka ay ku fadhido uu yahay mid aad ubaadhan?

8.in aad jawaab cad naga siisaan degmooyinka tirada kooban loo qoondeeyey ee aan uqalmin cadadka tirakoobayasha sida
A.horushagax B.cayuun c.ceelwayne d.bilcinbuur e.elele f.mula g.abaqorow. h.birqod iyo kuwa kale ee lamidka ahba ee tirada loo qoondeeyey ay ka hooseeyaan 30 qof?

9.in aad noo xaqiijisan qabaleeyadii nasoo raacay si aan u ogaano meesha aad ku darteen sida booraalo oo kale?

11.in aan helno caqabadihii iyo saamayntii aad kala kulanteen intii aad ku guda jirteen samaynta qoondada?

12.in aad nasiisan warbixinta mid-census ee shantii sano ahaa si aan u ogaano warbixinta deegaankayaga ee la xidhiidhta tira koobka?

JAWAAB

Hadaba waxa suaalahasi ka jawaabay masuuliyiinta wakalada tirakoobka dalka oo uu uugu horeeyo maareeyaha guud mudane biratu yigezu iyo agaasimaha guud ee wakalada waaxda samaynta khariirada tirakoobka dalka mudane sisay guta waxana jawaabtoodi kamid ahaa sida tan
1.qayb kamida suaalahani aad nawaydiiseen waxaa masuuliyadeeda iskaleh madaxdii deegaanka ugu saraysay xiligii howshu socotayMN
Dhamaan waraaqihii lagu xaqiijiyay cadaynta waxqabadka,dabagalka teamka shaqada waday,7000 kun ee lasoo qoondeeyey,goobaha laga yimid intaba waa arin masuuliyiintii xiligasi deegaanka joogay ay nooso gudbiyeen ama nooso xaqiijiyeen kana wada shaqaynay, inkastoo markii danbe ay xaalada deegaanku qasantay shaqoyin la qaban lahana caqabado ka horyimaden taso sobob ay u ahayd dhibaatooyinkii deegaanka ka dhacay,balse waxan wakhtigan si ka gonanshaleh idinkala shaqaynaynaa sidii cabashooyinkan aan usixi lahayn iskulana eegi lahayn dhaman wixi qalada.

2.arinta gobolada ama meelaha qaar aad sheegteen inay aad uhoosayso tirada goob tirakoob iyo tirakoobayalba waxa sobob u ahaa arimo dhanka amaanka ahaa oo dhaqdhaqa ayaa xadidnaa masuuliyiintii xiligasina waxay noo sheegen in aan la tagi karin qaybo badan oo kamida 5 gobol oo deegaanka ah iyagoo nagu wargaliyay in ciidamada amaanka la isticmali doono

3.coordinateska,maps,mid-census goobaha muranku ka jiro idinma siin karno wakhtigan sobobo dhanka sharciga ah oo aan ka hortagayno khatar ay ka abuuri karaan balse waxan si kalsooni leh idiin tusaynaa shaqooyinka laga qabtay wanad arki kartaan wixi ka qaldana waan wada saxaynaa inagoo raacayna shuruucda wadanka balse xogtiisa ma bixin karno deegankina kaliya nama waydiin ee sidoo kale deeganada amhara oromia snp iyo tigrayguba wayna waydiiyeen mana siin karno cidnaba.

4.dhamana waxan si qoto dheer idinkala shaqaynaynaa arimaha cabashooyinkina ah si xalwaara looga gaadho tirakoobka.

5.waxaan boqolkiiba boqol idiin cadaynaynaa in dhamaan shacabka deegankina aan duwan galin doono door wayna idinkaa ku leh si qoyskasta oo deegaankiina ah loo diiwaan galiyo

6.wakaladu si loogu guulaysto tirakoob xalala waxan samaynay hab casriya oo markii koobaad dalkeena laga isticmalayo waxanan ku guulaysanay in luuqado dhowra aan kusoo darno oo soomaaligu kamid yahay taasi waxan aaminsanahay inay wax wayn idiin qaban doonto maadama awal shacabkiinu uu ku dhibataysna fahanla aanta luqada amxariga ee lagu buuxin jiray warbixinta tirakoobka.

7.inkastoo wakhtiga hadhay mudane madaxwayne iska yar yahay waxan anagoo ka jawaabayna culayska arintani iyo cabashada aad nooso gudbiseen idin balan qaadaynaa in qaladadka jira si dhakhso ah usaxayno anaga iyo gudiga heer deegaan ee wada shaqaynayna mahadsanidiin

Dood dheer kadib ayaa waxaa gabagabadii labada dhinac islaqaateen inay gudi iskudhafa sameeyaan oo kawada shaqeeya sidii loo xalinlaha dhibaatooyinka si dhakhso ah loo xalin karo islamarkana laysla eego si cadcadaanleh howlaha tirakoobka deegaanka soomalida.

Kulankan ayaa waxaa xigi doona kulan kale oo malinta isniinta ah gudiga heer deegaan iyo kan heer fadaral ay yeelan doonan si waxyabaha si dhakhso ah loo sixikaro layskula saxo.

XIGASHO: SDM ADDIS ABABA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here