JIGJIGA- Fadhigii Maanta Ee Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Xasaanaddii Lagaga Qaaday 12 Xildhibaan Iyo Sidii uu ahaa Jewiga Shirkaasi

0
1816

 

 

Siduu AHaa Jawiga Kalfadhiga 8aad Ee maanta Maxaase Kasoo Baxay?

Kalfadhiga 8aad ee golaha 5aad ee baarlamaanka DDS oo maanta kafurmay caasimada DDS waxaa horyaalay Agendeyaal dhawr ah Waxaana ugu muhiimsanaa Xasaanad Qaadid,Ansixin Garsoorayaal,Dibu habaynta Xafiiska Golaha Xildhibaanada,Dibu habaynta Hanti dhawrka guud,Dhagaysiga Iyo ansixinta waxqabadka xukuumada iyo Badalida Xubnaha golaha federationka kumatala DDS.

Agendaha 1aad waxaa lagu ansixiyay in lagu badalo xubnihii horay deegaanka ugu matalijiray golaha federationka.

Agendaha 2aad waxaa xasaanada laga qaaday 12 xildhibaan horay xubno uga ahaa golaha, halka Agendaha 3aad lagu ansixiyay 31 garsoore iyadoo Agendayaasha kalena bari oo Jimce ah laga doodi doono.

Siduu AHaa Jawiga Hoolku?
Jawiga hoolku wuxuu ahaa mid kaduwan kuwii horay looga bartay deegaanka waxayna xubnaha baarlamaanku sibalaadhan uga doodeen 3dan agende ee kor kuxusan iyadoo abid markii uhoraysay taariikhda deegaanka ay jireen xubno ucideeyay maya iyo kuwo kudooday in Xubnaha xasaanada laga qaadayo qaar and kale lagu soodaro.

Dhankakale waxaa abid markii uhoraysay goobta shirku kasovdo buux dhaafiyay saxaafada dalka ee dawlada iyo mida gaarka ahba.

Dhacdadii Maanta!
Xubnaha 12ka qof ah ee xasaanada laga qaaday waxay kuwada jireen liis uu soo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka , hadaba waxaa dhacday in liiska uu kujiray Magac xildhibaanad oo aan dhamaystirnayn kaasoo lagu soo koobay Miss.Ayaan iyadoo baarlamaanka ay kujireen 3 Ayaan, arintan oo golaha ka abuurtay buuq iyo suaalo xubnuhu iswaydiyaan ayaa laxaliyay markii danbe iyadoo sida naloo xaqiijiyay Ay Afhayeenka Golaha baarlamaanka iyo Wasiirka Cadaaladu Xidhiidh Toosa Lasameeyeen Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud Si loo dhamaystiro magaca oo aan xildhibaanada 3da ah laisugu qaldin, waxaana sidaa xasaanada kuwayday Ayaan Shakuul oo 3da ayaan kamid ahayd, walow arintan laxaliyay hadana waxay ahayd dhaliil iyo khalad ay gudoonka baarlamaanka iyo Xafiiska Xeer ilaalinta deegaanku siwada jira ugaleen maadaama oo ay ahayd inay wax walba soo turxaan bixiyaan kahor inta aysan holaha keenin.

Sikastaba ha ahaatee kalfadhigii maanta furmay oo ilaa bari sii socondoona ayaa umuuqday mid waxbadan ka badalay jawiga siyaasadeed ee deegaanka iyo sawirka guud ee golaha Xildhibaanada DDS.

XIGASHO:- SDM jigjiga DDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here