Koomiishanka Maamul Wanaaga Qaranka Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyey Baadhitaano Iyo Sixitaan Ay Ku Sameynayaan Hay’addaha Dawladda Iyo Ilaa Hada Halkay Wax U Marayaan

0
873

Koomiishanka Maamul Wanaaga Qaranka Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyey Baadhitaano Iyo Sixitaan Ay Ku Sameynayaan Hay’addaha Dawladda Iyo Ilaa Hada Halkay Wax U Marayaan

 

Koomiishanka Maamul Wanaaga Qaranka ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey hawlo shaqo oo ay gacanta ku hayaan iyo hay’addaha dawladda Somaliland qaarkood oo ay Baadhitaano iyo maamul hagaajin ku wadaan iyaga oo si gaara baadhitaano ay ugu sameeyeen Koomiishanadda Xakamaynta Aids-ka iyio Tacliinta Sare ee Somaliland iyaga oo hay’addo kalena baadhitaano ku wada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Maamul Wanaaga Qaranka ee Somaliland md Liibaan Ismaaciil Buraale, ayaa faahfaahin ka bixiyey Qorshe ay u dejiyeen Koomishanka ay madaxda ka yihiin inay hay’addaha qaranka Somaliland kula xisaabtamaan baadhitaanana ku wadaan si  Sixitaana iyo Isla xisaabtan buuxa ay ku hirgelinayaan ay Koomiishankoodu bilaabeen iyaga oo qorshe kala horeeya oo bilaw ilaa meel u qorshaysan oo hiigsigoodu ku eeg yahay inay ku shaqeeyaan ay dejisteen.

md Liibaan Ismaaciil Buraale oo qoraal faahfaahsan ka soo saaray hawlaha shaqo ee Koomiishanka ay madaxda ka yihiin ku hawlan yihiin iyo baadhitaanadda ay bilaabeen ilaa hada halka ay wax u marayaan waxa uu qoraalkiisa u dhigna sidan.

Iyada oo aannu weli ku guddo jirno qiimeynta hanaanka maamul ee hay’addaha madax banaan ayaanu shalay iyo maanta ku jirnay hay’adda wadooyinka iyo madbacada qaranka halka aannu hore u soo marnay koomishanka xakamaynta Aids-ka, koomishanka tacliinta sare, Hay’adda dhawrista tayada, Gudida qandaraasyada qaranka.

Hawlahan ayaa sii socon doona inta laga dhamaystirayo inta ka hadhay hay’addaha madax banaan baadhisahoodii.

Ka dib waxa Koomishanka Maamul wanaagu u gudbi doonaa wejiga labaad oo ah u gubinta warbixinaha ka soo baxay hay’addaha madaxa banaan .

Wajiga saddexaad ayaa isna noqon doona in la isla saxo wixii ka soo baxa warbixinta( Report) halka wejiga afraad na uu noqon doono ku dabagalka wixii la isla saxo.
Intaas ka dib iyana koomishanka maamul wanaagu wuxuu u sii gubi doonaa gobalada dalka idamka Alle.

Guud ahaan hawlahan ayaa sidii koomishanka maamul wanaaagu u gudan lahaa waajibaadka uu qaranka masuulka ugu yahay.

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Koomishanka Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here