Somaliland Oo Markii U Huraysay Hargeysa Laga Furay Shir Wada Tashi Qaran Oo Lagaga Doodaayo Aasaasida Xeerkii Lagu Soo Dooranlahaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda Oo Qabo Ahaa 27 Sanno

    0
    1004

    Somaliland Oo Markii U Huraysay Hargeysa Laga Furay Shir Wada Tashi Qaran Oo Lagaga Doodaayo Aasaasida Xeerkii Lagu Soo Dooranlahaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda Oo Qabo Ahaa 27 Sanno

    “Shirkani Waxaynu Kaga Doodayna, Waxa Waajib Ah In La Helo Dariiqii Ay Ku Iman Lahaayeen Ama  Xeerkii Jidaynlahaa Dariiqii Mudanayaasha Golaha Guurtidda Ee Anaga Naga Dambeeya Lagu Soo Dooranlahaa” Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtidda Somaliland

     

    Magaaladda Hargeysa, ayaa lagu qabtay Kulan aqooneed muhiima oo ku saabsan wada tashi iyo Xog Ururin lagaga doodayey qaabkii dalka loogu sameynlahaa Xeerkii lagu soo doortanlahaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda  ee Somaliland si loo helo xildhibaano dhiig cusub oo bedela kuwa hada kuraasta Guurtadda fadhiya oo nidaam dhaxaltooyo ah kuraasta ku sii jooga isla markaana aan 27 sanno ee Somaliland jirtay wax doorasho ah golahaasi aanu lagu iman kuraastiisa.

    Kulankan oo socon doona mudo 2-da maalmood ah aanay soo qaban qaabiyeen golaha guurtidda ee Somaliland, ayaa lagu qabtay Caasimadda Hargeysa, waxaana shirkani mudada uu socdo lagaga doodi doona sidii Somaliland markii ugu horaysay loogu sameynlahaa Xeerkii lagu soo dooranlahaa Xildhibaano Cusub bedeli doona mudanayaasha golaha guurtidda ee Somaliland oo kuraasta ku fadhiya 27 sanno isla markaana aan ilaa iyo 1991-kii intii Jamhuuriyadda Somaliland Xoriyadeeda la soo noqotay aan wax doorasho ah lagu iman aqalka golaha guurtidda, waxaana  kulankani ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, Xubno iskugu jira Wasiiro iyo masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka socda, mudanayaal golaha guurtidda ee wakhtigan kuraasta fadhiya ka tirsan iyo Aqoonyahano iyo Garyaqaano reer Somaliland, waxaanay dhinacyada kulankani lagu marti qaaday soo bandhigeen afkaarta iyo qaababka ugu habeen ee loo sameyn karo Xeer qaranka Somaliland u jeexa  nidaam sharco oo ay xildhibaanaddo cusub oo mudanayaasha hada golaha guurtidda jooga bedelilahaa loo diyaariyo.

    Xoghayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Garya. Cabdinaasir Aadan Beegsi oo ugu horeyntii furitaanka kulankani faahfaahin ka bixiyey iyo ujeedka ay u soo qaban qaabiyeen shirkaasi waxa uu yidhi “Golaha guurtidda ee Somaliland waxa uu diyaariyey ajande 5 sannadle ah, Ajandahaasi oo la diyaariyey sannadii 2016-kii kaasi oo hada idin horyaala, waxaana Ajandahani golaha guurtidu uu ku xusay bal in lagu dhiirado in laga fikiro sidii loo sameynlahaa qaabkii ay ku iman lahaayeen Xildhibaanadda golaha guurtidda ee Somaliland bedelilahaa kuwa hada golaha jooga, qaabkaasi oo ah in la helo, laba Xeer oo kala dambeeya oo sida markii horeba looga soo shaqeeyey xeerarkaasi oo noqonaaya Xeerka hogaan dhaqameedka oo marka la helo xeerka hogaan dhaqameedka ee Jamhuuriyadda Somaliland Xakamana loo helo ayey noqon karta in xulashadii barigii hore la sameeyey oo kale dib loo soo xusho”

    Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtidda Somaliland md Siciid Aadan Jaamac oo sharaxay ujeedada kulankani ay u qabteen iyo waliba qaranka Somaliland kulanka noocan ahi muhiimada uu leeyahay waxaanu yidhi “Sida aad la socotaan golaha guurtidda ee Somaliland, waa gole ka mida golayaasha qaranka ee Somaliland, waxaynu og nahay golaha guurtidda ilaa hada tan iyo intii Somaliland la aasaasay wax isbedel ah oo ku yimid qaabka lagu yimaado golahan xildhibaanimadiisa ma jiro wax isbedel ah, halka golayaasha kale ee dalka doorashooyin loo qabto oo doorashooyinka lagu yimaado, sido kale waad og tihiin golayaasha kale waxay kuraasta ku yimaadaan sida doorashooyinka golayaasha Madaxtooyadda, Wakiilada iyo Deegaanadda ee Somaliland, balse golaha guurtidda doorashadiisu ma cada sida dastoorka ku qaran, marka maanta kulankani waxaynu kaga doodaynaa ama aanu u qabanay maadama aanu golahan doorashadiisu cadayn , waxa waajib ah in la helo dariiqii ay ku iman lahaayeen ama  xeerkii jidaynlahaa dariiqii mudanayaasha golaha guurtidda ee anaga naga dambeeya lagu soo dooranlahaa, waa qaabkii ay golaha ku iman lahaayeen mudo xilkeedkayagani marka uu dhamaado kuwii na bedelilahaa”

     

    Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna si kooban Khudbad uga jeediyey kulanka golaha guurtidda Somaliland Hargeysa ku qabteen ee lagaga doodaayey sidii golahaasi loogu sameynlahaa Xeer lagu dhaqo aanay golaha ku yimaadaan xildhibaanada bedeli doona kuwa dhawr iyo labaatankii sanno ee golahani jiray qaarkood fadhiyeen ee nidaamka dhaxalka ku jooga “Maanta waa bilow mucda ugu wayn ee ay halkan shirkani fadhidaana waa golihii guurtidda ee Somaliland, guddoomiye marka waxaan odhanlahaa marka aynu dooneyno arintan talo bixinteeda, iyo talo ururinteeda qaabaynteeda iyo siyaalaha aynu dooneyno in aynu ururino Labeen faro badan oo laba qaybood ka koobanta amase saddexba oo madax dhaqameed, aqoonyahan, siyaasiyiin in aynu intaba isku keeno si talo midaysan looga soo saaro arinta Xildhibaanadda guurtidda khusaysa”

    Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland md Khaliil Axmed oo isaguna kulankaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Guud ahaan hadii aynu nahay umad Muslim ah, runtii marka shuurada laga hadlaayo kulamada talo bixinta ah, waa dadka waxna goyn kara waxna furi kara waxna xidhi kara weeyaan in laga helo , marka way inoo cadahay ee ee xeerarka waxa ugu muhiimsan qofka kulanka talo bixinta ah imanaaya ama qaabka uu u imanaayo waxa ka sii muhiimsan in loo sameeyo shuruudo ku xidhan qofkaasi (Xildhibaanadda golaha guurtidda Somaliland kuraasta imanaaya qaabka loo xulaayo) sidu yahay iyo nooco yahay in aynu aad ugu daalo ayaa loo baahan yahay, hadii laga eego dhinacii xigmada, in laga eego shaqada odaynimada ee uu soo qabtay, laga eego dhinaca diinta waxa uu qofkaasi ka yaqaano”

    Aqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale oo isaguna ka mid ahaa aqoonyahankii lagu casuumay kulankani lagu faaqidaayey qaabka mudanayaasha golaha guurtidda ee Somaliland lagu soo dooran karo waxa uu yidhi “Horta waydiintu waxay tahay golaha guurtida Somaliland miyaa la doorta mise waa la soo xulaa, golaha guurtida waa la soo xulayaa , golaha guurtida la dooran maayo , hadii ay doorasho timaado axsaab ayaa imanaysa , hadii golaha guurtidu siyaasadoobana marka jiritaankeenu halis ayuu ku jiraa, marka uma baahnin marka ay doorasho noqoto waxay noqonaysa gole guurti uma baahnin , waxaynu u baahanahay in aynu 82-ka xubnoodba golaha wakiilada ku darno waayo axsaab ayaa lagu soo dooranayaa hadii ay sida noqoto, daawada kale ee golaha guurtidu waxa uu leeyahay dadka ay u suurtoobi waydo ama dadka metelaada ka waaya Baarlamaanka (aqalka Golaha Wakiilada) waa inay cid metesha halkan golaha guurtida ka helaan, runtiina golaha guurtida ee Somaliland waanay ku amaanan yihiin hawshii ay soo qabteen , waanay ku amaanan yihiin dhibkii ay u soo adkaysteen ee qarankan Somaliland u soo abteen ee halka uu marayo ay maanta soo gaadhsiiyeen, waxaana kale ee aan ku amaanaya ugana mahadcelinayaa in maanta aad halkan noogu yeedhaan aqoonyahankiinii oo aad tiraahdaan xeerkii ayaanu u baahanahay golahan guurtidda dadkii na bedelilahaa ay ku iman laayeen”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here