DEG DEG Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka oo si Adag Uga Hadlay Go’aankii Uu Ka Soo Saaray Tagaasida Yar yar Qaarkood

0
806

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa   ku baaqay in loo hoggaansamo  awaamiir uu soo saaray 27kii October ee sannadkan, oo lagaga mamnuucay Tagaasida VITZ-ta inay qaadaan rakaab iskaga kala gooshaya gobollada Dalka.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Gaadiidku  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in  qaraarkii uu hore u soo saaray looga dan lahaa ilaalinta bed-qabka   nafta iyo maalka dadweynaha Somaliland.

Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidku wuxuu sheegay in aan loo diidin Tagaasida VITZ-ta ee loo yaqaanno “Dukhaanka” inay ka dhex shaqeystaan  gobol walba inta  Maayarrada degmooyinku xukumaan oo sharciga waddooyinku jidaynayo inay ka shaqeytaan.

War-saxafadeedka Wasiirka  waxa kaloo lagu xusay in muwaadiniinta ruqsada u haysata tagaasida VITZ-tu ay  go’aankiisa racfaan uga qaadan karaan maxkamadda  sare  ee Somaliland, taasi oo arrintan  ka soo saari karta go’aan kama dambays ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here