Dawladda Somaliland Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Gaadiidka Xudduudaha Dalka Dibadda Ka Soo Gala iyo Kuwo Dekedda Berbera Laga Mamnuucay In Laga Soo Jediyo

0
430

Dawladda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan wareegtooyin culus oo qaarna amniga dalka Somaliland khuseeyaan gaar ahaan dhinaca gaadiidka xuduudaha Somaliland ka soo gala si gaara loo faray amar culus go;aan kalena uu yahay mid  bulshadda Somaliland wayn u yeelan kara hadii ay sidaasi ku fuliso go’aankani dawladdu oo ah in  Dekedda Berbera laga mamnuucay Gaadiidka Basaska ee dhinaca Bidix ku leh Al-babada laga galo.

Wasiirka Gaaddiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdilaahi Abakor Cismaan, ayaa maanta laba wareegto oo uu soo saaray midna ku mamnuucay gaadiidka Xudduudaha Somaliland ka soo gala in aanay iyaga oo ogolaasho ka haysta isla markaana leh Taarikadda Sumada ee Jamhuuriyadda Somaliland  leh mooyaane aanay soo geli karin guddaha Somaliland isaga oo dhinaca kalena wareegto 2aad oo uu soo saaray waxa uu ku mamnuucay  in Dekedda Berbera aanay ganacsatada iyo cid kasta oo rabta ay ka soo dejiso nooca Gaadiidka ka midka ah ee  Basaska bulshaddu raacdo ee Al-baabka ku leh Dhinaca Bidix kuwaasi oo khataro badan oo shilal iyo waxyeelo dadka raaca ka soo gaadha ay ka mid yihiin bulshadda dalka ku dhaqan ee ay u adeegaan basaskaasi ku yahay.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here