“Neymar Jr wuxuu doonayaa in markale uu ku laabto kooxda Barcelona laakiin…” _ Martín Montoya

0
592

Difaaca kooxda Brighton Martín Montoya ayaa xaqiijiyay in saaxiibkiis hore ee Neymar Jr uu doonayo in markale uu ku laabto Barcelona, inkastoo ay adag tahay in sidaas ay dhacdo, sababa la xiriira qaabkii uu kaga dhaqaaqay garoonka Cump Nou.

Martín Montoya ayaa xaqiijiyay in Neymar Jr uu haatan ka qoomameenayo ka tagistiisa kooxda Barcelona, isla markaana uu xiiseenayo in markale uu dib ugu laabto.

Montoya ayaa wuxuu tilmaamay in Neymar Jr waayihiisa kooxda Barcelona uu raaxo ku dareemayay garoonka Cump Nou, kahor inta uusan kaga dhaqaaqin Paris Saint-Germain xagaagii 2017 aduun dhan 222 milyan euro.

“Waxaan qabaa in Neymar uu doonayo dib ugu laabashada kooxda Barcelona, sababtoo ah wuxuu ku dareemayay raaxo, mudada afarta sano ahayd uu ku sugnaa kooxda, wuxuuna xiriir xoogan la lahaa xidigaha Suarez iyo Messi”.

“Balse aad ayay u adag tahay in uu markale ku laabto, waxayna caqabadaha ugu weyn ay noqon doonaan dhanka lacagta, umana maleynayo in Barcelona ay diyaar u tahay bixinta isla qiimihii ay ku iibisay”.

Waxaa xusid mudan in laacibka Martín Montoya uu ka dhaqaaqay kooxda Barcelona xagaagii 2015, isagoo kaga dhaqaaqay Inter Milan, balse ugu dambeyntii wuxuu haatan ku sugan yahay kooxda Brighton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here