Antoine Griezmann oo qirtay inuu la dhacsan yahay Horyaalkaan isla markaana uu ku biiri karo

0
858

 Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa qirtay inuu si wayn ula dhacsan yahay horyaalka Jarmalka.

Ka hor kulanka Atletico Madrid ay marti qaadi doonto habeen dambe kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund ayuu sheegay Antoine Griezmann inuu la dhacsan yahay horyaalka Bundesliga.

27 jirka reer France oo la hadlay wargayska Kicker ayaa yiri:

“Bundesliga waa tartan aad u fiican, kooxaha Jarmalku waxay ciyaaraan qaab weerar ah taas oo keenaysa in la iska dhaliyo goolal badan si lamid ah kulankii aan la ciyaarnay Dortmund”.

Antoine Griezmann oo la waydiiyay suurogalnimada uu ugu biiri karo mid kamid ah kooxaha Jarmalka ayaa yiri:

“Waa wax dhici kara”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here