Home Blog Page 464

Wareegto Magacabis iyo Xilka Qaadis Ah Oo Ka soo baxday madaxweynaha Somaliland

0

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

“Waxa Isoo Dacwaysay Shirkada Daalo” Xoghaye wadani ka tirsan

0

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=287460656603476&id=100051762640713

SAbabta NABADTV Albaabada loogu Laabay

0

Wararka caalamka iyo waxa ku cusub saacadihii u dambeeyey

0

Wararkii u Danbeeyey Somaliland oo Lagu Marti Qaadayo Shirka 100ka Dal ee Dimuqraadiyadda Maraykanka

 

Raaligalin Qoraal Hore Uga Baxay Shabakada Wararka Ee Somalilandrise.net

0

Raaligalin Qoraal Hore Uga Baxay Shabakada Wararka Ee Somalilandrise.net

Anaga Oo Ah Maamulka Shabakada Wararka Somalilandrise.net Waxaanu Halkan Raaligalin Kaga Bixinaynaa War Qoraal ah oo shabakadu ay baahisay habeenimadkii Axda Ee Bishu ahayd 11-7-2021.
Taasi Oo War Kaasi Qoraalka Ah Shabakada Loogu Soo Diray Gmailka Isla Markaasi Uu Qoraalka Sidaasi Uu Ku Baahiyay Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Shabakadu Isaga Oo Aan Wax Tafatir Ah Ku Samayn Qoraalka Loo Soo Diray


Waxaana Qoraalkaasi Been Abuur Lagaga Samay Nayay Oo Lagu Fadeexaday Nayay Wakiilka Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian airlines Ee Somalia Khadar Maxamuud Bayle, Iyada Oo Lagu Tilmaamay In Uu Qayb Ka Yahay Doorashada Somalia Ka Socta.
Hadaba Hadii Aanu Nahay Maamulka Shabakada Wararka Somalilandrise.net Waxa Aanu Raali Galin Buuxda Siinayna Wakiilka Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian airlines Ee Somalia Khadar Maxamuud Bayle Oo Aanu Ka Raali Galinayno Warkaasi Shabakadu Baahisay cidkasta Oo Uu Warkaasi Qoraalka Ahi Gaadhayna Waxaanu u caday naynaa in aanay waxba ka jirin warkaasi wax lagaga sheegayay Khadar Maxamuud Bayle Gmailkana ay nagula soo wadaageen dad dano gaar ah lahaa.