Home Blog Page 462

Deg Deg “Rag Madaxtooyadda Masuuliyiin Ka Ahaa Ayaa Waraaqaha Sii Qaatay” Afhayeen Ka Kulmiye.

0

“Waxaan aad uga werwersanay in Xeerkii Shaqaallaha Dawlada”

0

Waxaan aad uga werwersanay in Xeerkii Shaqaallaha Dawlad oo rajo iyo yadidiilo u ahaa badqabka iyo daryeelka shaqaallaha dawlada uu u dhowyahay inuu ku dhinto gacanta Gollaha Wakiilada ee Cusub, waana xeerkii ugu horeeyay ee muddadii imika uu jiray Gollaha Wakiilada ka soo baxa ee u gudba Gollaha Xukuumada, iyadoo dhowaan Madaxwaynaha JSL Xeerkaas dib ugu soo celiyay Gollaha Wakiilada sababo macquul ah oo jira awgood oo qoraalkan igu kelifay inaan ku iftiimiyo.

Xeerka Shaqaallaha Dawlada waxaa la waday Qabyo-qoraalkiisa oo Hay’adda Shaqaalaha Guddoomiyayaashii u kala danbeeyay ku dadaaleen oo la waday muddo ku siman 3 sannadood oo kolba meel iyo marxalad uu marayay. Waxuu u gudbay Gollaha Wasiirada oo ansixin ka dib, u gudbiyay Gollahii Wakiilada ee hore, kuwaas oo iyaguna muddo markay hayeen dood iyo falaqayn ka dib u codeeyay sidaana ku ansixiyay, sidaa ayaanu Xeerkii ugu gudbay Gollaha Guurtida. Nasiib darro Guurtida ayaa wax-ka-bedel kooban ku sameeyay una soo celiyay Gollaha Wakiilada. Markaas waxa uu Xeerku la kowsaday isbedekii ku dhacay Gollaha Wakiilada iyo in markay Guurtidu soo celisay uu noqdo Xeerka ugu horeeya ee ajendaha koowaad ugu jira kalfadhiga ugu horeeya ee Gollaha cusub ee Wakiilada oo carcartiisa wata. Halkii ay ka ahayd in Gollaha Wakiilada ee Cusubi ay cod gacan taag ah geliyaan maadaama Gollihii ka horeeyay ansixiyeen, si laba mid uu kaga baxo Gollaha 1) In wax-ka-bedelka iyo kaabista kooban ee Guurtida Xeerka ku samaysay ay ku raacaan oo cod gacan taag ah ku aqbalaan ama 2) Inay Guurtida ku diidaan oo sidii Gollahii hore ee Wakiiladu ku ansixiyeen ay cod gacan taag ah ku ayidaan, sidaasna dib loogu celiyo Xafiiska Madaxwaynaha JSL oo markaas ay aad ugu dhowayd in Madaxwaynuhu ku waafaqo, sidaana dhaqangal ku noqon lahaa Xeerkaasi.
Run ahaan uma dhicin sidii saxa ahayd. Gollaha Wakiilada ee Cusubi waxay Xeerkii mar labaad geliyeen dood, taas oo wax loo cuskaday ilaa maanta aanan fahmin, kana hor imanaysay Xeer-hoosaadka Gollaha iyo Distoorka JSL. Sidee ayay Distoorka uga hor imanaysaa? waa su’aal jawaab inooga baahan. Maadaama Xeerka Gollahii Wakiilada ee hore dood ka dib cod ku ansixiyeen una gudbiyeen Guurtida. Markuu Xeerku ka soo noqday Guurtida hadii mar labaad dood la geliyo, waxa cad in ay ka dhalanayso in wax ka bedel kale iyo dhalan rog uu Gollaha cusubi ku sameeyo qodobada Xeerka, taasina ay sharci ahaan khasab u noqonayso in Guurtida lagu celiyo laakiin celintaas mar-2aad Guurtida lagu celinayaa ay noqonayso Qayral-Distoori. Waayo, waxa ay si cad uga hor imanaysaa Distoorka JSL Qodobkiisa 77aad, farqadiisa 2aad ee u dhigan; In Mashruuc Sharci oo kasta labada Golle hal mar kaliya ay isku celin karaan; oo la macno ah in laba jeer aan mashruuc sharci labada Golle isku celin karin.
Xeerka Shaqaallaha Dawlada laba jeer ayaa Gollaha Wakiilada ku celiyeen Gollaha Guurtida oo u muuqata in Gollaha Wakiiladu ay distoorkii baalmareen, ha isuba arkaan in ay Golle Cusub yihiin oo ay tahay in waxkastaa iyaga la kowsanayaan, balse taasi meel ay ku qoran tahay sharci ahaan ma jirto. Si kasta oo wax u socdeen, way sii muuqatay waxay ku danbaynaysaa.
Waxa noo muuqatay sida wax u socdaan iyo warabka galaya Xeerkaas. Si hadaba taas uga hawlgalo kahor dooda kalfadhiga Gollaha iyo in la badbaadiyo xeerkaas tacabka badani galay si aanu u dhiman, waxaan shakhsi ahaan hor tegey Gollaha Wakiilada ee cusub oo anigu ka codsaday in kal-fadhigooda ka hor muuqdo, si sharaxaad uga siino Qodobada Xeerka kahor intaanay gelin dooda xeerkaas. Sharaxaad iyo bayaamin iyo weliba dalab ah, in Xeerkaas sidiisii hore lagu sii daayo, si aanu gacantooda ugu dhiman ayaanu dareenkayaga u qadinay. Xubnaha Gollaha Wakiilada fadhigoodaa waxay nagu waydiiyeen su’aalo ku dhow 55 oo uga jawaabnay, kuwaas oo intooda badani la xidhiidhay qodobada xeerka walow, su’aalo badani ka baxsanaayeen oo arimo kale oo fadhigaa ka baxsan la xidhiidheen, waxa’se xubnaha Gollaha soo dabaalayay oo mawduuca ku soo celinayay Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada waanu ku mahadsanaa intaan ka arkayay habsamida uu u hagayay Gollaha. Waxay ahayd in hadii Qodobada qaar ay saluugsan yihiin sida sharcigu u ogol yahay in marka xeerku dhaqan galo ee dhaafo inay wax ka bedel ku samayn karaan oo sidaas dalbadaan muddo ka dib, taas oo lagaga badbaadi lahaa in Xeerkaas dhami gondahooda maanta hoos yaal isagoo dhimaad ah noqonaysana in sidaa ku dhinto.

Waxase ayaandarro labaad ahayd in Xubnaha Gollaha Wakiilada ay ku adkaysteen in mar labaad Xeerka dood la geliyo, sidaasna dood ay ku geliyeen. Wax-ka-bedel balaadhan oo ay Xeerkii ku sameeyeen ka dib, waxay ku celiyeen Gollaha Guurtida markii labaad, Gollaha Guurtiduna waxba kama bedelin, iyagoo og soo celinta 2aad in ay distoorka ka soo hor jeedo duuduubkiisii ayay ugu soo celiyeen Gollaha Wakiilada. Sidaas ayaa Guddoonka Gollaha Wakiiladuna ugu gudbiyay Madaxwaynaha.

Madaxwaynuhu markuu arkay in Xeerku aanu ahayn kii ay Xukuumadu unkiddiisa bilowday ee Gollaha hore ansixiyeen, yahayna mid Gollaha Wakiilada ee cusubi soo kariyeen kana muuqdaan qodobadiisa dhalanrog balaadhan, welibana si qayral distoori ah isugu celceliyeen ayuu isna ku qanci waayay inuu dhaqangeliyo, sidaasna dib ugu soo celiyay Gollaha Wakiilada taas oo sharciyan sax ah inuu sidaa yeelo.

Imika Xeerkii waxuu la yaallaa Gollaha Wakiilada, mana jiro albaab sharci oo ay ka saari karaan iyo meel sharci ahaan laga sixi karaa ee sidaas ayuu Xeerkaasi u eg yahay mid ku dhimanaya dhabta shir- guddoonka Gollaha Wakiilada sida aniga aragtidayda iila muuqato.
Markay sidaas tahay, waxa keliya ee banaan ee talo ku soo jeedin lahaa, waa in Golluha Wakiiladu saddex go’aan mid qaato;
1- In ay gebi ahaan aqbalaan Qodobada Madaxwaynuhu u food saaray soo celinta Xeerka, sidoo kalena aqbalaan asbaabta uu Madaxwaynuhu kaga codsanayo Gollaha oo u badan inay tahay inay sidiisii hore ee Gollihii hore ku ansixiyay ku ansixiyaan mase hubo sida ay sharci ahaan noqonayso iyo halka ay u marayaan.

2- In Gollaha Wakiiladu ay Xukuumada ka codsadaan in Xeer cusub soo curiyaan oo ka dhigaysa in bar bilow hor leh laga soo bilaabo. Sababtuna waa hadii Xeerkan hore oo qiil sharci oo lagu soo noolayn karo aanay suurtagal ahayn. Balse, waa in Gollaha Wakiiladu masuuliyada waxa ku dhacay Xeerkaa hore tuurta u ritaan, kana qanciyaan Xukuumada iyo Shaqaale waynaha dawlada iyo bulshadaba sida wax u dhaceen.

3- In Gollaha Wakiiladu iska aamusaan oo maydka Xeerkaas dhintay hoosta iska dhigaan, sidaasna ku noqdo xeerkii ugu horeeyay ee Gollaha gacantiisa ku dhinta taariikhdana ku galo, sababna ha uba noqoto waayo aragnimo la’aan iyo degdeg xubnaha Gollaha ku jiray, taasna xilka ayaa iska leh oo ay ku cusbaayeen oo kula yaabi maayo walow ay ahayd la-taliyayaasha sharci ee Gollahu inay tusmeeyaan oo talo luxdan ka bixiyaan.
Hadaba, su’aasha ka dhalanaysa ee jawaabta u baahani waxa weeye, sidee Xukuumadu ugu dhiiran kartaa inay Gollaha hor gayso Qabyo-qoraalka xeerar kale oo muhiim u ah horumarka qaranka marka xeerkii ugu horeeyay sidaas ku dhamaaday oo loo dareemi karo in Xeer ay Xukuumadu iyadu soo saartay uu Gollahii Wakiiladu Xeer hore Gollihii ka horeeyay ansixiyay halkuu waxii wax ka bedel ah lifaaq ku raacin lahaa isagu gacantiisa siduu jeclaa uga bedelay oo isagu Xukuumadii noqday?!

Waxaynu sugnaa, waa talaabada Gollaha Wakiiladu ay qaadaan ee la xidhiidha Xeerka Shaqaalaha Dawlada oo ah taariikhda Soomaaliland intii ay jirtay kii ugu horeeyay ee Gollaha Wakiilada la hor geeyo kaas oo ku dhowaad 20,000 iyo kuwo la qori doono inta Soomaaliland jirto oo Shaqaalle Dawladeed ah xaquuqdooda iyo daryeelkooda wax wayn ka tari lahaa oo juhdi iyo dadaal badan la geliyay.

In Xeerkaasi ku badbaado gacanta Gollaha Wakiilada oo iyaguna dadku u soo doorteen inay sharciyado iyo xeerar noloshooda wax ka bedela ay soo saaraan, waxay noqon lahayd mid ay amaan ku mutaystaan.

Isha ayaynu ku hayn doonaa, hadii taladii hore ka qaloocatay, aan eegno talaabada kale ee Gollaha Wakiiladu qaado. Waxa kale oo aynu eegnaa waa Xeerka shidaalka oo labaynayay Xeerka shaqaalaha oo gacantooda ku jira sida iyo waxay ka yeelaan Gollaha Wakiiladu inuu isna sida kan shaqaallaha noqdo mid dhinta iyo inkale.

Ugu danbayn, waxaan ku talin lahaa in Gollaha Wakiiladu ay muujiyaan debec iyo hayinnimo si shakiga iyaga iyo Xukuumada dhex mushaaxayaa looga badbaado weliba in dareenkaasi aanu noqon mid wadashaqayntii fulinta iyo sharci- dejinta dhaawaca, waxay saamayn wayn hadii ay sii socoto ku yeelan doontaa Gollaha Wakiilada oo shaqadii loo soo doortay noqon doonto mid aan dhinacna u socon oo iska taagan iyo Xukuumada oo aan mashruuc sharci oo danbe kula hagaagin inay u gudbiso Gollaha ilaa inta wadciga imika wax iska bedelayaan.
Waxaan amaanayaa Shir gudoonka Gollaha Wakiilada gaar ahaan Gudoomiyaha Gollaha oo aanu u qirayo in hogaamin fiican leeyahay iyo ku-haynta majaraha marka xubnaha qaar dar jiidhaan oo uu aad ugu dadaalayay waana wax aan maalintaas aan hortegay ku arkay.
Qoraalkaygani cid gaara ma taageerayo, cidna ma dhaleecaynayo ee abbaartiisu waa maadaama mudadii aan hayay xilka Gudoomiyaha Hayadda Shaqaallaha aan tacab, juhdi iyo dadaal badan gelinay Qabyo-qoraalka xeerkaas oo keliya looga jeeday danta iyo maslaxada Shaqaallaha Dawlada oo baahi wayn aan ogahay inay u qabaan Xeer dhaqangal ah oo noloshooda wax ba bedeli kara laguna ilaaliyo xaquuqdooda qof ahaaneed una noqda dabar habsami u socodka shaqada dawlada iyo adeeg bixinta bulshada in maantana halkuu marayo aan intaan ka ogahay ka sheego waayo waxaan aad u jeclaa Xeer Shaqaalaha Dawlada oo dhaqangal noqda si uu shaqada ugu fududeeyo hogaanka iyo masuuliyiinta Hayada Shaqaalaha ee imika iyo kuwa mustaqbalkaba waxna uga taro horumarka shaqaalaha Dawlada.

Tu’san
Farxaan Aadan Haybe

Qodobadii Ka Soo Baxay Kulankii Sabtida ee dawladda hoose Hargeysa

0

Qodobadii Ka Soo Baxay Kulankii Sabtida Ee Saaka 13.11.2021 (Sabti).

Kulanka Todobaadlaha ah oo ay isugu Yimadaan Gudida Fulinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa, Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda, Maamulka Shirkadaha Nadaafadda iyo Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan ee D.H.H waxa Ka mid ahaa Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen .

  1. In La soo Qabqabto Geela Lagu Dhex Arko Gudaha Caasimadda madaamoo ay dhamaatay mudadii loo qabtay.
  2. In dadku ay sii dareensanaadaan in ay soo dhaw dahey maalintii loo asteeyey in loda ku dhaqan caasimada laga saaro magaalada.
  3. in cashuurta ay soo bixiyaan dadweynaha lagu leeyahey cashuurta dawlada hoose ee hargeysa adeega ku bixiso.

————————————————

WAAXDA WARBAAHINTA DAWLADA HOOSE EE HARGEYSA.