Home Blog Page 413

Raysal Wasaare Rooble Oo Amray In $11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) lasiiyo Somalilnad

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Jabuuti Oo Farriin Ka Siday Madaxweynaha Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Dawladda Jabuuti Oo Farriin Ka Siday Madaxweynaha Jabuut.

Hargeysa-03-04-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Mudane Siciid Nuur Xasan.

Waxaanu ujeedka safarka weftigani daarranaa farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyey weftiga waxaanu uga mahadceliyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurmadka iyo tacsida ay la garab istaageen shacbi weynaha Somaliland, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horreeyey ee dabku socday la soo xidhiidhay lana wadaagay dareenkiisa murugada leh shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gashaandhiga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Mustafe Cali Bile, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cabdilaahi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Hay’adda Duulista Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Safiirrada Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada Dal, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed iyo Amb Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile.

Weftiga ka socday waddanka Jabuuti, ayaa kala ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Xasan Nuux, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Mudane Yuusuf Dawaaleh, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, Col. Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidanka Cirka Col. Wahib Muuse Maxamuud, Agaasimaha guud ee Hay’adda Gaadiidka iyo Jidadka, Suubane Siciid Ismaaciil, Guddomiyaha Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka Dabiiciga Ah, Axmed Maxamed Madar, Commandant Maxamuud Xuseen Cumar, Commandant Xasan Ducaale Warsame iyo Xildhibaan ka socda Baarlamaanka Jabuuti Cumar Naala Tuur.

Ugu danbayntii weftigu waxay booqdeen suuqa waaheen ee ay saamaysay masiibadii dabku, waxaana halkaa warbaahinta kula hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Labada Dal, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jauuti iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Muuse Biixi

0

Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Muuse Biix.

War kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidan u dhignaa:

“Muqdisho, 2da Abriil 2022: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan.

DHAMMAAD”

Madaxweynaha Jabuuti,Raysal Wasaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Killika 5aad Oo Lasoo xidhiishay M. Somalilnd

0

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar ayaa dhammaantiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Khadka Telephone ka kala soo xidhiidhay dareenkoodana la wadaagay shacabka masiibadu asiibtay Xalay.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey masiibda ku habsatay suuqa waaheeen.