“Somaliland mar dambe heshiin maynee aynu halkeenna kala Joogno”Garaad Jaamac Garaad Cali.

0
36

“Somaliland mar dambe heshiin maynee aynu halkeenna kala Joogno”Garaad Jaamac Garaad Cali.

Laascaanood, Maarso, 1, 2024 – Garaadada SSC-khaatumo ayaa digniin u diray Somaliland, iyagoo sheegay in aanay mar kale ku fekerin in ay dib u xukumaan degaanada SSC.

 

Garaadadu waxay sheegeen in weli madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu isku dayayo inuu duullaan kusoo qaado dhulka SSC, iyagoo sheegay in ay muuqato in aan wax cashar ah laga baran dhibaatadii ka dhacday Goojacadde.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah garaadada SSC, ayaa sheegay, reer SSC iyo iyo Somaliland in aanay jiridoonin wax dambe oo ay isugu yimaadaan, marka laga reebo in ay nabad ku wada noolaadaan.

 

Waxaanu yidhi.”Mardanbe yaanan dib u maqlin “Waxbaa Baalahayga Yaacay,” War mar danbe heshiin maynee aynu halkeenna kala joogno.”

 

Garaadku waxa uu sheegay in warbaahinta la galiyay in nabadayn laga dhex samayn doono Somaliland iyo SSC- Khaatumo.

 

Waxa uu sheegay inta ay muuqata dhibaatada Somaliland ay ka geysatay magaalada Laascaanood iyo dhibka iyaga ku gaadhay Goojacadde in aanay dhici doonin heshiis dambe oo la isugu yimaado.

 

Sidoo kale waxa uu xusay dantu inay ku jirto in la is nabad galiyo oo aysan soo laaban wixii ka dhacay gobolka Sool.

 

Garaadka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagu taageerayay dadkii ku naafoobay colaaddii magaalada Laascaanood.