Xisbiyada KULMIYE Iyo Xisbiga Ucid ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulankii labaad muddo toddobaad ah.

0
48

Xisbiyada KULMIYE Iyo Xisbiga Ucid ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulankii labaad muddo toddobaad ah

 

Kulankan oo ahaa qado ka qabsoontay huteelka Baraar ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay labada Guddoomiye ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka labada xisbi iyo siyaasiyiin kale.

 

Kulanka waxa lagu sii amba-qaaday wadahadalkii labada xisbi u furmay shirkoodii hore ee qabsoomay 18kii bishan February 2024, waxaana loo ballamay shirar kale oo wada-xaajoodka lagu sii wado.