Somalia Oo Ogolaayay On Somaliland Lagu Aaso Marxuum Naasir Muuse Dahable

0
59

Masuuliyiinta Somaliya ayaa ogolaaday in maydkii Marxuum Naasir Muuse Dahable oo si arxan daro ah loogu dilay Muqdisho loo qaado Somaliland oo uu u dhashay

 

Maamulka Muqdisho ayaa ku guul daraystay isku day ay doonayeen in Marxuum naasir oo ku baxay Gacanta Somaliya lagu Aaso Magaalada Muqdisho balse aabaha Dhalay Marxuumka ayaa ka diiday dalabkaas sheegayna meeshii inankiisii lagu Qashay ee sida foosha xun loogu dilay aanu Tagayn,

 

Aabaha Dhalay Marxuumka ayaa sheegay cida kaliya ee uu u haysto dilka wiilkiisa ay Tahay Madaxda muqdisho islamarkaana ay yagu dilkiisa ka danbeeyeen

 

Waxa hada lagu jira diyaar-garowga qaadida Maydka Marxuum Naasir Muuse Dahable”

 

Mid ka mida ehelada Marxuumka ayaa qoraalkan Nala wadaagay