Golaha Guurtida Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Xeerarka Doorashooyinka Qaranka

0
27

Golaha Guurtida Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Xeerarka Doorashooyinka Qarank

 

Hargaysa – Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amaanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerarka is-saarka Doorashooyinka Qaranka.

 

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ay xildhibaanadu cod gacan tag ah ku meel mariyeen Xeerarka isa-saarka Doorashooyinka iyo Xeerka Ciidanka Qaranka oo golaha hor yaalay.

 

Fadhigan ayaa wax aka soo xaadiray 68 Xildhibaan, waxaana xeerarkan loogu codeeyay si gaar gaar ah, iyada oo uu horaatiibaa cod galiyay gudoomiyaha guurtidu xeerka guud ee Doorashooyinka xeer Lr.91 2023, kaasi oo ay ogolaadeen 66 Xildhibaan, waxaana diiday xeerkan 1 Xildhibaan, gudoomiyaha guurituna ma codaynin, sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka guud ee Doorashooyinka Qaranku.

 

Xeerka Ururada siyaasada iyo Asxaabta Qaranka xeer Lr.14 2023 ayaa waxa ogolaaday 66 Xildhibaan, waxa diiday 1 Xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codayn sidaasi ayuu ku ansaxay.

 

Golaha guurtida ayaa sidoo kale codka aqlabiyada ku meel mariyay xeerka Ciidanka Qaranka, kaasi oo ay ogolaadeen ansixintiisa 65 Xildhibaan, waxaana diiday 2 Xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaasi wuu ku ansaxay.

 

Golaha guurtida Somaliland ayaa markii ay ansixiyeen xeerarka isa-saarka Doorashooyinka ayaa waxa ay u gudbiyeen isla markiiba Golaha Wakiillada Somaliland si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa inay waajibaadkooda ka gutaan maalinta bariya si ay ugu gudbiyaan Madaxwayanaha Somaliland si uu qalinka ugu duugo.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa markii ay ansixiyeen xeerarka is-saarka Doorashooyinka waa ay bulshada ugu baaqeen inay nabadgelyada ilaaliyaan, waxaanay u sheegeen in uu soo dhammaaday buuqii xeerarku dalkuna Doorasho u diyaar garoobay,