Qaarka mid ah xildhibaanada gobollada galbeedka Somaliland oo ka horyimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
44

Qaarka mid ah xildhibaanada gobollada galbeedka Somaliland oo ka horyimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiy

 

Hargeysa, February, 13, 2024 – Qaar kamid ah xildhibaannada kasoojeeda gobollka Awdal, ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay sharci daro.

 

Xildhibaanada oo isugu jira golayaasha guurtida iyo wakiilada, ayaa diiday heshiiska, iyaga oo shaki kamuujiyay sida uu u dhacay.

 

“Waxaanu kasoo horjeedka heshiiskan, iyo heshiiskasta oo ka dheegma, waxaanu u aragnaa is afgaradkaasi in aanu ahayn sharci oo uu kasoo horjeedo danta shacabka iyo diintooda”Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Nuur Riyaale, oo ku hadlay afka xuldhibaanada ayaa sida yidhi.

 

Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in hadalo is khilaafsan oo madmadow iyo hubanti la’aan abuurayaa ay kasoo kala baxayaan Itoobiya iyo Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay sheegtay in ay helayso marin badeed oo ay iyadu leedahay.

 

Sidookale, waxa ay sheegeen in xukuumada Madaxweyne Biixi aanay wax tashi ah kala yeelan isfahamka Itoobiya xildhibaanada iyo bulshada gobollada galbeedka, isla markaana aanay jirin xog sugan oo ay xukuumadu shacabka siisay.

 

Gaba-gabadii, waxa ay sheegeen in heshiiskani uu yahay mid sir ah oo khatar ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Somaliland.