MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA DALKA TALYAANIGA

0
46

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA DALKA TALYAANIG

 

Muqdisho, Febaraayo 13, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

 

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.