Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xadhiga Ka Jaray Warshada Furunka iyo Daqiiqa

0
40

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Marwada koowad ee Dalka Marwo Zenaj Tayajaw ayaa xadhiga ka jaray Warshada Furunka iyo Daqiiqda oo maalintii soo saaraysa 300 oo kun oo xabo oo Rooti ah.

 

Raysal wasaaraha JDFI, oo ka hadlay Madasha xadhig ka jarka Warshada Furunka iyo Daqiiqda oo ay hirgalisay Xafiiska Marwada 1aad ee dalka, Marwo Zenaj tayajaw ayaa sheegay in Mudadii uu ku sugnaa Deegaanka uu arkay mashaariicaha muga leh ee ka socda Deegaanka sidoo kalena ay soo dhagax dhigeen Mashruuca Dalxiiska Shabeellay oo qaabka loo dhisayo guud ahaan uu ka turjumayo dhaqanka soomaalida.

 

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay maanta haystaan hoogaankii ugu wanaagsanaa uuna Deegaanka Soomaalidu ujihaystay jidkii horumarka.

 

Dhankiisa Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa uga mahad celiyey Xafiiska Marwada 1aad Mashaariicaha ay ka hirgalisay Magaalada Jigjiga.