Muqdisho: Macalin Iskuul oo Maanta loo dilay arday uu canaantay darteed

0
34

Muqdisho: Macalin Iskuul oo Maanta loo dilay arday uu canaantay darteed

Isniin, February, 12, 2024 – Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

 

Cabdiraxmaan Maclow ayaa Macalin ka ahaa Iskuulka Siidii ee ku yalaa degmada Wadajir, waxaana la sheegay in loo dilay gabadh ardayad ah uu canaantay darteed, waxana ku eedeysan dilka gabadha uu canaantay walaalkeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxamuud oo dilka u adeegsaday Tooreey.

 

Maamulaha Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir Cali Maxamed Xayle, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Macallinka la dilay uu gabadhada ardayada ahayd uu buug madaxa kaga dhuffay isago oo canaananaya, islamarkaana gabadha ay intaasi ka carootay oo ay u sheegtay walaalkeed.

 

Waxaanu yidhi.“Macallinka ayuu ag tagay isaga oo aan la hadlin haraanti ayuu ku dhuftay, markii uu istaagay macallinka, Naaska bidixda ayuu Tooray ka galiyay oo ah wadnaha dhankiisa”

 

Eedeysanaha geystay dilka Macalinka ayaa la si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana halkaasi dilka kadib gaadhay askar ka tirsan ciidanka amaanka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, hase yeeshee uma suurta galin iney gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha.

 

Muqdisho waxaa kusoo badanaayay maalmahii ugu dambeeyay dilalka aragagaxa leh, waxaana sidaan oo kale laba Wiil iyo Hooyadood laba laamin ka hor ay Toorey ku dileen ninkii qabay Hooyadood oo ayagana Adeer u ahaa, kuwaas oo ay baadi goobayaan ciidamada amaanka.