DEG DEG Golaha Guurtida Oo Fasax La Geliyey Ilaa….

0
29

War ka soo baxay xarunta guud ee golaha guurtida Somaliland ayaa mudaneyaasha lagu wargeliyay in aanu jirin fadhigii uu goluhu u balansana maalinta berri ah, waxaana la faray in sabtida toddobaadka soo socda ay soo xadiraan.

 

Waxaa sidan lagu sheegay war ka soo baxay xarunta golaha guurtida oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee golaha guurtida Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, waxaanu u dhigna sidan:

 

“Anagoo fulinayna amarka shir-gudoonka Golaha Guurtidda JSL , Waxaa dhamaan mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu war-gelinayaa in Fadhigii Golaha Guurtidda ee loo balansanaa maalinta berri ah in aanu jirin oo dib loo dhigay ilaa maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 17/02/2024, hadii Alla yidhaa.

 

Sidaa darteed, mudanayaan idinkoo mahadsan waa in sidaasi aad ula socotaan.”