Buuq Ka Dhashay Fadhigii Guurtida Iyo Sababta

0
33

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furmay fadhiga goluhu waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyay in ay ka shir guddoon ahaan madaxtooyada tagayaan, berrina haddii ALLE Qadaro la gudageli doono dooda xeerka ciidanka Qaranka JSL.

 

Intaas kadib buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay golaha, mudaneyaashuna waxay diideen inay fadhiga golaha ka baxaan, waxaaney qaarkood Shir-guddoonka ka dalbadeen in xeerarkii isa-saarka doorashooyinka la soo hor dhigo fadhiga, balse guddoomiyaha oo golaha xidhay dhagey jalaq umuusiin.

 

Markii shir-guddoonku fadhiga ka kaceen xildhibaanada oo ka maagsan inay baxaan haddana way baxeen.

 

Berri ayaa loo balamay in laga doodo xeerka Ciidanka Qaranka.