Maxaa Kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland

0
42

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dibu-heshiisiinta ayaa soo bandhigtay waxyaabahii uga soo qabsoomay safarkii shaqo ee Degmada Dhoobley iyo howlaha horutabinta Wasaaradda ee Saddexda bilood ee soo socda.

 

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ka warbixisay xogta wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaraddu.

 

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay dib u habaynta xiriirka kubada cagta Jubaland iyo dadaalada hormarinta Ciyaaraha.

 

Waxaa golahu uu dood ka yeeshay Xeerka Hindisa sharciyeedka Gudniinka Fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland.