Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay 10 safiir oo la magacaabay

0
43

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay 10 safiir oo la magacaaba

 

Muqdisho, February, 8, 2024 – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgali doona qaar kamid ah dalalka caalamka.

 

Sida ay dowladdu sheegtay, safiirradan ayaa loo diridoonaa dalalka ay Soomaaliya la wadaagto xidhiidhka Diblumaasiyadeed, balse weli lama sheegin magacyada dalalka loo magacaabay.

 

Waa safiirradii ugu badnaa ee ay dowladdu halmar magacowdo, waxayna kusoo beegantay xilli Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka, si ay u yeelato isbahaysi ay iska kaashadan arrimaha gobolka iyo caalamka.

 

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

 

  1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)

 

  1. Cabdillaahi Maxamed Sheekh Cabdillaahi

 

  1. Cali Cabdi Awaare

 

  1. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)

 

  1. Bashiir Xasan Xaaji

 

  1. Fathudin Cali Maxamed

 

  1. Xuseen Cabdi Xalane

 

  1. Khadiija Cosoble Cali

 

  1. Khadra A Dualle

 

  1. Ridwan Xirsi Maxamed