Baanka Somaliland Oo Talaabo Suuqa Sarifka Lagu Xasilinayo Qaaday

0
37

Waxa uu Baanka dhexe ee Somaliland maanta qaaday hawlgallo lagu xasilinaayo suuqyada sarrifka si loo yareeyo sarrif-bararka. Waxa uu baanku geliyay suuqa lacago adag oo Dollar ah taas oo ujeeddeedu ay tahay inay is leekaadaan xaddiga suuqa ku jira ee labada lacagood ee la isku sarrifaa. Taasina waxay ka mid ahayd uun shaqo uu muddo soo waday Baanka dhexe ee JSL.

 

Hawlgalkaas, waxa uu baanku ka soo xareeyay suuqa lacag badan oo Shilling-ka Somaliland ah, taas oo ku dheeraad ah suuqa isaga oo xaddi kale oo badanna ka soo nuugay Moobillada.

 

Gebogabadii shaqadaas waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL, mudane; DR. Cali Cabdillaahi Daahir, isaga oo sheegay inuu baanku sii wato shaqadii uu ugu xilsaarnaa bulshada reer Somaliland taas oo ah inuu la dagaallamo sicirbararka iyo weliba sarrifbararka. Waxa uu sidoo kale guddoomiyuhu sheegay inay suuqa lacago badan geliyeen muddooyinkii u danbeeyay taas oo qiimihii hore ee uu sarrifku maraayay oo ahayd (9,700 SLSH), ka dhigtay mid hoos u dhigta iyada oo uu hadda maraayo (8,900 SLSH).

 

Ugu danbeyntii, waxa uu guddoomiyuhu ku booriyey bulshada reer Somalilanad iney qiime u yeelaan oo isticmaalaan lacagtooda.

 

Waxaa halkaas sidoo kale ka hadlay agaasimaha guud ee baanka dhexe ee JSL, mudane; Maxamed Qaasim Dalmar, isaga oo bulshada ku dhiirigeliyey iney lacagtooda isticmaalaan. Intaas kaddib, waxa uu agaasimuhu digniino culus u direy laba kooxood kuwaas oo kale ah: qaadlayaasha iyo sarriflayaasha. Waxa uu sheegay agaasimuhu iney diiradda ku hayaan dhaqdhaaqyada ay ka wadaan suuqa labadaas kooxood qaar ka mid ah kuwaas oo ku liddi ah shaqada Baanka dhexe ee JSL ku doonaayo inuu hoos ugu dhigo sarrifbararka jira.

 

Ugu danbeyntii, agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL, waxa uu sheegay in sarriflaha danbe ee lagu arko qaladaad ka hor imanaaya siyaasadda Baanka dhexe oo ah isku dheelitirka lacagaha, in lagala noqon doono liisanka uu wax ku sarrifo gebi ahaanba.