Xil Ka Qaadista Maayirada Oo La Ogolaaday Iyo degmooyinka Loo Furay

0
76

Xil Ka Qaadista Maayirada Oo La Ogolaaday Iyo degmooyinka Loo Furay

Xukuumadda Somaliland Gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qaar ka mid ah goleyaasha deegaanka Dalka u ogolaatay kalfadhiyada aan cadiga ahayn ee ay xilka kaga qaadayaan Maayiradda ama wax kaga bedelayaan hogaanadooda.

 

5 ka mid ah 23 degmo doorasho ee dalka, ayaa la sheegay in loo ogolaaday inay qabsadaan kalfadhiyada aan cadiga ahayn ee ay xilka kaga qaadayaan Maayiradda ama wax kaga dedelayaan hogaankooda sida uu dhigayo Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka ee Xeer 23 -2019 oo sheegaya inay goleyaasha deegaanku xaq u leeyihiin inay qabsadaan kalfadhiyada aan caadiga ahayn.

 

Ka dib kulan dhex maray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo Badhasaabada, waxa kulankaasi diirada lagu saaray Arrimo ay ka mid yihiin sidii loo Furi lahaa fadhiyadaasi goleyaasha deegaanka, waxaana loo ogolaaday inay yeeshan kalfadhiyada xil ka qaadista Maayiradda degmooyinka kala ah.

 

Burco.

Boorame

Sallaxlay

Oodweyne iyo

Saylac

 

Waxana ilaa hadda fadhiistay Golaha Deeganka ee dagmada Saylac oo Xilkii ka qaaday Maayirkii dagmadaas doortayna hogaan cusub, halka la sugayo kuwa kale ee loo ogolaaday fadhiyada aan caadiga ahayn inay yeeshan kalfadhiyadaasi. waxaana la filayaan in ay dhawaan ay yeelan doonaan fadhiga ay wax kaga bedelayaan hogaankooda ama xilka kaga qaadayaan Maayirada

 

Magalooyinka Burco, Boorame, Sallaxlay iyo Oodweyn ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada mudanayasha goleyaasha deegaanka ee isku diyaarinaya inay yeeshan kalfadhiyada ay xilka kaga qaadayaan Maayirada kuna dooranayan qaar cusub, waxaana jira hirdan ka dhex socda xildhibaanada degmooyinkan oo la xidhiidha arrintan.

 

Dhinaca kale 18 degmo Doorasho oo ay ka mid yihiin Berbera, Gabiley, Hargeysa iyo Ceerigaabo ayaanay weli Wasaaradda Arrimaha guduhu ogolaanin inay yeelan karaan fadhiyada an caadiga ahayn ee wax ka bedelka hogaankooda, kuwaas oo qaar ka mid ahi ay aad u danaynayaan in loo Furo fadhiyadaasi sida uu sharcigu dhigayo, isla markaana uu ka dhex jiro qaar ka mid ah mudanayaasha goleyaashan Khilaaf sababay inay kala qayb samaan. Waxaana si wayn uga dhur sugayaa Wasaaradda Arrimaha Guduhu inay u furto kalfadhiyada xil ka qaadista.

 

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha arrintan oo ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Balse warar aanu helnay ayaa sheegaya in badhasaabada degmooyinka lagu war geliyey furitaanka Kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee xil ka qaadista mayirada shantan degmo.

 

Khadar macalin