Wararkii U danbeyay ee Duqaymaha Israil ee Qaza.

0
29

Wararkii U danbeyay ee Duqaymaha Israil ee Qaza

Duqaynta Israa’iil ay ku hayso magaalada Qaza ayaa sii socota maalintii afraad ee dagaalka maanta oo salaasa ah iyada oo duqaymo u gaystay goobo la deggan yahay iyo dugsiyo.

Wakaaladaha wararka ayaa soo tabinaya in illaa 200 oo goobood oo ku yaalla magaalada Qaza ay Israil ku duqaysay madaafiicda goobta habeennimadii xalay, kuwaasoo ay ku jiraan tuulooyinka ku dhadhaw Qaza iyo sidoo kale magaalad Khaan Yuunis. Millatariga Israil ayaa sheegay in goobaha la bartilmaameedsadasy ay ku jiraan meelo lagu kaydiyo hubka iyo dhismayaal ay adeegsadaan xoogagga Xamaas ee soo rida gantaalaha madaafiicda lidka taangiga ee La hago.

Tirada dhimashada ee dagaalka u dhexeeya Israil iyo Falastiiniyiinat ayaa hadda maraysa illaa 1500. Israa’iil tirada dhimashada ayaa gaadhaysa 900 oo isugu jira ciidan iyo rayid halka Falastiiniyiinta ay ka dhinteen in ka badan 650 qof kuwaasoo ay ku jiraan 700 oo carruur ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku baaqday inay hesho marin ammaan ah oo ay ka soo galaan qalabka iyo daawooyinka sida degdegga ah loogu baahan yahay.
Xamaas ayaa ku hanjabtay inay dili doonto la haysayaasha Israil haddii ay Israil sii waddo duqaymaha Qaza.
Ururka Xisbullah ayaa isna xaqiijiyay dhimashada 3 ka mid ah dagaalyahannadiisa