Komishanka oo Kulamo La leh Shir Guddoonka Baarlamaanka Somaliland

0
144

Xubanaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa hadda soo gaadhay xarunta golaha guurtida, waxa ay hadda kulan la qaadanayaan gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, kulankan ayaan loo ogolayn wax warbaahin ah.

 

Kulankan ayaa yimi kadib markii Maxkamadda Sare ee Dalku ay soo saartay warqad jawaab celin ah oo ay ku celinyeen Komishanka Doorashooyinka oo ka codsaday inay tafsiir sharci ka bixiyaan sharciga doorashooyinka.

 

Ilaa hadda ma cada waxa ay ka wada hadlayaan shir-gudoonka Guurtida iyo guddida Doorashooyinka Qaranku.