Wiil yar oo ku dhintay Guri Dab Qabsaday oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

0
158

Wiil yar oo ku dhintay Guri Dab Qabsaday oo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay dab Qabsaday Guri Daara oo dabku wada haysto kuna yaala xaafada Half-london, Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas oo badiba uu haysto dabku, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib Ciidamada ayaa Maydka Wiilka yar ka soo saaray Guriga.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Dambi baadhista ayaa la wareegay baadhista kiiskaas iyo Maydka Wiilka yar ba.Ugu dambayn Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in goor hore la soo sheego dabka si ciidanku uga soo gaadhi karaan loona damin karo si fudud.

Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadoodba.

Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab TooxWiil yar oo ku dhintay Guri Daara oo Dab Qabsaday kuna yaala xaafada Half-london ee Magaalada Hargeysa.

Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay dab Qabsaday Guri Daara oo dabku wada haysto kuna yaala xaafada Half-london, Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas oo badiba uu haysto dabku, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib Ciidamada ayaa Maydka Wiilka yar ka soo saaray Guriga.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Dambi baadhista ayaa la wareegay baadhista kiiskaas iyo Maydka Wiilka yar ba.Ugu dambayn Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in goor hore la soo sheego dabka si ciidanku uga soo gaadhi karaan loona damin karo si fudud.

Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadoodba.

Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox