Xildhibaan Nuuradiin Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo Oo Laga Baahiyey

0
143

Xildhibaan Nuuradiin Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo Oo Laga Baahiyey

Xildhibaan Nuuradiin Axmed Dayib, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada ee laga soo doortay gobolka Sool, ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in uu baneynayo kursiga golaha.

 

Xildhibaanka oo aan hadda Khadka telefoonka kuwada hadalay waxa uu ii sheegay in aanay jirin wararka sheegaya in uu iscasilayo, isla markaana uu ku maqan yahay fasax uu golaha ka qaatay, waxaanu xusay in ALLE haw naxariiste Aabihii oo xannuunsanayay, balse hadda tii ALLE i timid uu ku maqna.

 

Xildhibaan Nuuradiin waxa uu ii xaqiijiyay in degmada 𝗫𝗮𝗺𝗮𝗿 -𝗹𝗮𝗴𝘂-𝘅𝗶𝗱𝗵 oo xagga bari ka xigta magaalada Buuhoodle, in uu joogo, waana degmada saddexaad.

 

Geesta kale waxa uu intaas raaciyay, in gaadhiga qorigu saaran yahay, ee fuushan yahay uu yahay gaadiidkii Garaadada Laascaanood ku soo dhaweyay isna uu ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweynaysay, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in gaadhigu Taarikada iyo Calanka JSL, uu leeyahay.

 

Gaba’gabadiina waxa uu sheegay in uu soo bixi doono dhawaan oo uu iman doono.