Badheedhaha Kaah, Qorshaha Waddani, Daawashada Kulmiye iyo Loollanka Golaha Wakiillada 

0
139

Badheedhaha Kaah, Qorshaha Waddani, Daawashada Kulmiye iyo Loollanka Golaha Wakiillada

 

Ka dib iscasilaadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxa socda dhaqdhaqaaq iyo loollan loogu jiro xilka bannaanaaday ee Guddoomiyaha Golahaasi, iyada oo ay socdaan shir-doceedyo lagaga arrinsanayo wakhtigan kala guurka ah ee goluhu galay iyo weliba cidda noqon doonta Guddoomiyaha xigi doona Cabdirisaaq Khaliif.

Ilaa imika laba Xildhibaan ayaa hadal hayntoodu soo baxday, kuwaas oo la sheegayo in ay doonayaan xilka Guddoomiyaha Wakiillada, inkasta oo aanay iyagu shaacin weli doonistooda.

Labada Xildhibaan ayaa kala ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka soo jeeda Sool iyo Cali Xaamud Jibriil oo ka soo jeeda Awdal, ayaa ah kuwa ilaa imika la hubo in ay damacaas leeyihiin, waxaana iyadu jirta in xildhibaannada qaar damac kaga jiro Kuraasta labada Kuxigeen oo imika xildhibaanno ku fadhiyaan.

Xildhibaannada Urur-siyaasaddeedka ah oo iyagu ah kuwo saameyn weyn ku dhex leh golaha Wakiillada ayaa doonaya in ay dhistaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo ay u arkaa nin siyaasi ah rug cadaa ah oo mudan haddii tartankii hore ee uu Khaliif la galay looga hiiliyey Guddoomiyihii hore inuu imika xaq u leeyahay, isla markaana uu qurux u yahay hannaanka saami qaybsiga Golaha Wakiillada, madaama oo uu imikana yahay Guddoomiye kuxigeenka Urur-siyaasaddeedka Kaah.

Xildhibaannada Muxaafidka ah iyo Xukuumaddooda, oo u muuqda kuwo saameyntooda dhaqdhaqaaqyada socdaa aad u hooseeyo, ayaa la weriyey in aanay bilowgii hore isku qancin dhisida Faratoon, madaama oo aanay u heli karin taageero ay ku kalsoon yihiin oo ay kursiga ku saari karaan, isla markaana ay ka warwarayaan in dhirbaaxadii 3, August 2021 ku dhacday oo kale iyo weliba in Faratoon uu ka baydhay siyaasaddii Kulmiye oo uu ku biiray Urur-siyaasaddeedka Kaah.

Duruuf cusub oo ku khasbaysa Xildhibaannada Muxaafidka iyo Xukuumadda in ay Kuwa Kaah taageera kala shaqeeyaan dhisida Faratoon, ayaa laga yaabaa in ay timaado, taas oo ah cadaadis ka iman kara dhinaca Gobolka Sool, gaar ahaan Sarkaalka saameynta leh ee Mahad cambaashe oo ah Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Aagga Samakaab, kaas oo ay ehel dhow yihiin Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), isla markaana doonaya in aan la dhaawicin qaadiyadda Sool iyo ka mid ahaanshahooda Somaliland iyo marinka muhiim ah ee isku xidha Oog iyo Laascaanood, isla markaana Faratoon uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, si ay taageero ugu helaan joogitaankooda Somaliland iyo muhiimka deegaannada Galbeedka Sool ee ay Beeshoodu degto.

 

Xildhibaannada Mucaaradka ayaa la sheegayaa in ay qaarkood doonayaan in Cali Xaamud noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, inkasta oo aan ilaa imika si rasmi ah arrintaas bannaanka ugu soo bixin, balse Cali Xaamud ayaa la sheegay inuu Loollan adag ku jiro, isla markaana uu doonayo in kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu markii u horreysay uu u tago Awdal.

Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga Waddani iyo Xildhibaannadooda ayaa arrintan u arka fursad siyaasaddeed oo marka doorashooyinka la gaadho ay cod kaga kasban karaan Awdal, gaar ahaan deegaanka Cali Xaamud oo iyagu muddo dheer taageeri jiray Kulmiye qaybna ka ahaa Guulihii 2010-kii ilaa 2017-kii, balse wixii ka dambeeyey xilligaas ku kala dhaqaaqeen siyaasadda, ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi saaxadda Kulmiye keenay Maxamuud Sacad Saajin.

Si kastaba ha ahaatee, duruuf iyo isdiidooyin daneed oo badan ayaa ku gedaaman loollanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo salka ku haya dano siyaasaddeed oo la xidhiidha dhinaca Xisbinimada iyo dano reereed oo marmarka qaarkood fure u noqonaya damacyada kala ujeeddada ah ee lagu hirdamayo.

 

Saleban Saxansaxo