Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

0
173

Macallimiin ku dhaw soddon ayaan ka shaqaynayay. Dhaqaale qoyskayga iyo noloshayda ku filan ayaa iga soo gali jiray.”

 

Ninkan ayaa ku hanweyn inay colaadda magaalada joogsan doonto bilaha soo socda si uu shaqadiisii dib ugu laabto.

 

Barayaasha soo barakacay badankood waxay joogaan deegaanadda Puntland. Waa shaqo la’aan marka laga reebo tiro kooban oo shaqooyin ku meel gaar ah ka helay isluulada qaar.

 

Macallin Axmed Aadan wuxuu shaqo la’aan ku yahay Garowe. Isaga iyo qoyskiisu waxay wajahayaan cunno yari, balse wuxuu xusay in awal uu shaqadiisa macallinimo ka heli jiray dhaqaale ku filan baahiyadooda guud.

 

Ka hor inta uusan soo barakicin wuxuu barre ka ahaa dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood. Dagaalka weli taagan ayaa sababay inuu xirmo iskuulkii uu mushaar ka heli jiray.

 

Wuxuu ku jiraa dedaal shaqo goobid ah. Maalin walba wuxuu tagaa xarumaha waxbarashada. Wuxuu dareensan yahay inay jiraan boqollaal barre oo ku sugan xaaladdiisa oo kale.

 

Barayaashan la halgamaya nolosha ee ka soo cararay colaadda ayaa wax ka dhigayay intooda badan iskuulada hoose, dhexe iyo sare balse dagaalka dartii waxaa xirmay dhammaan iskuuladii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

 

Cabdinaasir Maxamed Xassan isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yahay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal. wuxuu la kacaa-kufayaa maaraynta nolosha qoyskiisa oo uusan u awoodin inuu u gado cunno ku filan.

 

“Wax shaqo ah kama hayo meesha aan joogo, halkaas baan iska jooga maba jirto macalimiintii intay soo qaxeen shaqeeya.”

 

Cabdinaasir oo ah guddoomiyaha macalimiinta ayaa sheegay in xaalada macalimiinta soo barakacay ee uu isagu ka mid yahay inay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha. Wuxuu intaas raaciyay inay jiraaan kuwo dhaqaale la’aanta ay u dheer tahay culeysyo kale.

 

“Iyadoo macalimiin layahay baa lasii kala daciifsanyahay, lasii kala xaaladeysanyahay, lasii kala lasii kala duruufay. Waxaan ka warhayaa macalimiin dhaawac ah iyo maamulayal dhaawac ah oo cisbitaalada jiifa.”

 

Ninkan oo ah gudgoomiyaha macalimiinta magaalada Laascaanood wuxuu ahaa maamule iyo macallin ka ahaa iskuulka Gateway oo ku xirmay colaadda.

 

Guud ahaan dadka ka soo barakacay Laascaanood ayaa ka siman duruufaha nololeed, maaddama ay ka soo tageen guryahoodii iyo shaqooyinkoodii. Filashadooda ayaa ah inay colaaddda nabad beddesho isla markaana dib loo furo iskuuladdii ay ku tiirsanaayeen

ERGO