DEG DEG Sonaliland oo Qaraxyo Culus Fashilisay Iyo Tirada Dadka ku dhintay

0
139

DEG DEG Sonaliland oo Qaraxyo Culus Fashilisay Iyo Tirada Dadka ku dhintay

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Somaliland ayaa lagu Yidhi sidan:-

 

Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay si ay beesha caalamka uga warbixiso dhacdo dhawaan ka dhacday Somaliland.

 

Subaxnimadii hore ee saaka abaaro 3-dii aroornimo ee xilliga dalka Somaliland, ayaa waxaa lagu guuleystay in la fashiliyo weerar argagaxiso oo ay u maleegayeen ciidamadeenna oo ahaa kuwa feejigan koooxaha Argagixisada ahi.

 

Ciidamada ayaa ka war helay kooxaha argagaxisada ah oo qorsheynayay weeraro ismiidaamin ah ay si degdeg ah ugu qarxiyeen tuulada Sii-xawle.

 

Tuuladani waxay u dhaxaysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka sool, waxayna masaafo dhow u jirtaa Laascaanood.

 

Nasiib darro, labo ka mid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayay qaraxaas oo ahaa mid degdeg ah, iyadoo afartii kale ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

 

Dhacdadani waxa ay Muujinaysaa in ururada argagixisadu ay weli khatar ku yihiin nabadgelyada Somaliland iyo gobolka ku xeeran, waxaan u xaqiijineynaa muwaadiniintayada iyo beesha caalamka in ciidamadeena ammaanku ay si joogto ah u feejigan yihiin, si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxahan xagjirka ah.

 

Wasaaradda gaashaandhigga waxa ay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Somaliland, Ma ogolaan doono falalkan argagaxa leh inay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka aan gaadhnay.

 

Ciidammadeenna ammaanku waxa ay si joogto ah ugu taagan yihiin sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda, Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, Wadashaqeynta iyo sirdoonka la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.

 

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sii wadi doonta in ay bixiso wixii ku soo kordha dhacadadan marka baadhitaanku Soo dhamaado, Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada iyo wadajirka ay noo fidiyeen saaxiibadayada caalamiga ah waqtigan xasaasiga ah” ayaa lagu Yidhi warsaxaafadeed