Tiska Booliska Oo Ka Hadlay Warar sheegaya in La Jidh Dilay Weriye Bushaaro

0
164

Tiska Booliska Oo Ka Hadlay Warar sheegaya in La Jidh Dilay Weriye Bushaaro Baande

 

Warka Booliska Kasoo Baxay ayaa u dhignaa sidan

“Beenin warar been Abuura”

 

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba kama jiraana oo Saacaddihii u dambeeyay baraha bulshada lagu baahiyay , taasi Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay ina jidh dil u gaysteen Eedaysane Bushaare Baanday.

 

Ciidanka Boolisku markuu Eedaysanahan soo qabtay Markiiba waxuu degdeg u horgeeyay Maxkamadda , waxaanay gar-suge ku tahay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.

 

Taliska Ciidanku waxuu shacabweynaha JSL la wadaagayaa ina Maxbuusada cidii u baahataa booqan karto , Mana jirto wax dhibaato ah oo loo gaystay.

 

Haddaba Waxaannu cadaynaynaa ina warkaasi waxba ka jirin, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada Ciidanka sharafta leh ee habeen iyo Maalin u adeegaaya shacabweynaha JSL .

 

Ug dambeyn Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeedinayaa Cid kasta Oo warar been abuur ah bulshada ku jaah wareerisaa in ay ka waantoobaan, Waxaanan sidoo kale la soconaa Shakhsiyaadka ku hawlan khalkhal gelinta iyo wararka been abuurka ah taas oo hadii ay ka waantoobi waayaan laga qaadi doono Talaabo Adag Oo sharciya.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL