Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Xigeenka Somaliland Holland Ku Tegay

0
163

Wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa lagu soo dhaweeyey dalka Holland.

 

Wafti heer sarre ah oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay waddanka Holand.

 

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa ujeedada socdaalkoodu salka ku haya kor u qaadista dadaalka loogu jiro qadiyada Qarranimada Jamhuuriyadda Somaliland, soo badhigista fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, iyo xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo dalalka Yurub.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa jaaliyada reer Somaliland ee waddanka Holand uga mahadnaqay soo dhaweynta heerka sarre ah ee ay u sameeyeen isaga iyo waftigiisa, waxaanu ku ammaanay sida ay markasta diyaarka ugu yihiin soo dhaweynta madaxdooda iyo sida ay uga muuqato waddaniyada iyo dal jacaylku.