Toogasho Ka Dhacday Deegaanka Fadgi-gaab iyo Khasaaraha ka dhashay

0
100

Fadhi-gaab oo weerar Hubaysan ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay Dhaawaca tiro 5 ruux ka badan ayaa ka dhashay weerar nin hubaysani ku qaaday meherad shaah oo ku taal deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, sida ay i sheegeen dad xogagaal ah.

 

Dhawaacyada dadka ayaa qaarkood la geeyay Cisbutaalka degmada Gar-adag, halkaas oo lagula tacaalaayo xaladooda.

 

Ninka oo la aqoonsaday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka Boolisku gacanta ku hayaan.

 

Falkan ayaan weli la xaqiijin inuu la xidhiidho shaqaaqadi muranka deegaan ee hore halkaasi ugu jiri jirtay ee dhawaan dawladu xalisay.

 

Xaalada magaaladaas ayaa lagu soo waramayaa inay hada degantahay, waxaanse dhacdadaasi weli ka hadal Laamaha amaanka ee Dawlada.

 

~ Samraawi Media