Dhimashada labada maalmood ee duqeymaha Israa’iil ka waddo Qaza ayaa gaadhtay 17 qof

0
91

Dhimashada labada maalmood ee duqeymaha Israa’iil ka waddo Qaza ayaa gaadhtay 17 qof.

 

Ugu yaraan laba Falastiini ah ayaa lagu dilay weerarro cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday Marinka Gaza Arbacadii, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

 

Dhibbanayaashii ugu dambeeyay ayaa tirada dhimashada ka dhigaya labadii maalmood ee duqeymaha Israa’iil 17, oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin. Ugu yaraan 37 kale ayaa ku dhaawacmay.